C/raxmaan yariisow oo ka hadlay xilka loo magacaabay Ee maamulka gobolka banaadir

Bulsha:-  Yariisow Oo Ka hadlay Xilka Gobolka  Banaadir  ee dhawaan loo doortay isagoo kawarbixiyay sida ay  Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ugu .

Wasiirkii hore ee warfaadinta xukuumadda kheyre C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka hadlay xilka Guddoomiyaha Gobolka  Banaadir oo loo magacaabay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka xilka looga qaaday Thaabid Cabdi Maxamed waxaana lagu magacaabay C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta haddana ah Guddoomiyaha Gobolka  Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa soo dhaweeyay magacaabistiisa Guddoomiyaha Gobolka.

Yariisow ayaa sheegay in xilkan uu si wanaagsan uga soo baxayo maaddaama sida uu yiri uu ka soo shaqeeyay qeybbaha kala duwan ee dowladda islamarkaana uu awood u leeyahay in uu ka shaqeeyo wada shaqeynta shacabka iyo Dowladda dhexe.

Yariisow  ayaa hadalkaan kasheegay  asagoo ka qeybgelayay Munaasibad lagu xusayay sanadguurada 45 aad ee Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu madaxda uga mahadnaqayo xilka cusub ee ay u magacaabeen.

ugu danbayntii Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweyne ayuu uga mahad celiyay sida ay kalsoonida u siiyeen uguna aaminiin in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sidoo kalena ah duqa Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment