Amiir u dhashay Qadar oo sheegay in uu xabsi ugu jiro Imaaraadka

Bulsha:- Amiir u dhashay Dalka Qadar ayaa sheegay in uu Maxbuus ku yahay magaalada Abuu Dubai ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta una xiranyahay dhaxalsugaha Imaaraadka Maxamed Bimn Salmaan Al-Nahyaan oo uu marti u ahaa markii hore.

Muuqaal uu soo geliyay baraha buslahada ayuu ku sheegay in markii hore marti qaad ku tagay Abuu Dubai hayeeshee hadda uu xabsi ku jiro islamarkaana haddii ay isaga wax gaaraan wax laga weydiinayo dhaxal sugaha Imaaraadka.

“Hadda waxaan ku suganahay abuu dubai,waxaan marti u ahaa dhaxalsuge Maxamed,laakiin waxbadan marti ma sii ahaan doono,waxaan ahay maxbuus u xiran dowladda Imaaraadka”,waxaa uu sheegay in uu xariggan ku muteystay aragtidiisa go’doominta dalkiisa ee ay saareen Waddamada Khaliijka.

Sheekh Cabdalla Bin Al thaani ayaa sheegay in dadka dalkiisa ay yihiin dhibbaneyaal ay Carabta go’doomisay,waxaana uu aad ugu calaacalay in arrintaas ay tahay shey xun.

Bishii September kulan Wasiirrada arrimaha dibadda Carabta ku yeesheen Qaahira ayaa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Qadar waxaa uu kulankaas ka sheegay in waddamada go’doomiyay dalkiisa ay doonayaan in ay beddelaan Amiirka Qadar kuna beddelaan Sheekh Cabdalla Bin Al-Thaani oo Abu Dubai ku sugan.

Sheekh Cabdalla waxaa uu ahaa wiilka Amiirkii hore ee Dalka Qadar  Sheekh Cali bin Cabdalla Al-Thani sanadihii lixdameeyadii.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment