Ruushka oo lagu eedeeyay inuu jabiyay Cuna-qabatayntii la saaray K/Waqooyi

Bulsha:- Labo ka mid ah illo wareedyada ugu waaweyn ee dhanka ammniga ee Yurub ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in booyaddo shidaal oo Ruushka laga leeyahay ay dhawaan shidaal geeyeen Kuuriyada Waqooyi.

Shidaalka ayaa la sheegay in Markab Ruush ah uu ku wareejiyay markab kale oo ay leedahay mid Kuuriyada Waqooyi.

Tallaabadan ayaa noqoneyno mid jabineysa cunaqabateynaha hay’adda Qaramada Midoobay ee saaran Kuuriyada Waqooyi.

Illo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegay in sirdoonka ciidamadda badda iyo sawiro lagu qaaday dayax gacameedka ay muujiyeen maraakiib ka howlgaleysay dekaddaha Ruushka ee badda Pacifi-ga.

Mid ka mid ah illo wareedayadan ayaaa sheegay in aan loo heyn cadeyn in xukuumada Ruushka ay ku luglahayd arrintaan.

Milkiilaha midka mid ah maraakiibta ayaa lagu eedeeyay inuu shidaal geeeyay Kuuriyada Waqooyi, balse waa uu beeniyay eedeymahaasi.
Marsii horeysay, ayaa waxaa soo baxay in Kuuriyada Kuunfureed ay qabatay Markab ka diiwaan gashan Shiinaha, kaasi oo looga shakiyay in sidaan oo kale uu shidaal u geeyay Kuuriyada Waqooyi.

Xigasho BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment