Mohamed Salah Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Xidiga ugu Fiican Qaarada Africa.

Bulsha:-Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaal xidiga kubbada cagta ee sanadka ee qaaraada Afrika ugu fiican kadib markii ay xidigihii la sharaxnaa ku garaacay abaal marintan. BBC African Footballer of the Year 2017 ayaa  lagu dhawaaqay waxaana si rasmi ah ugu guulaystay Mohamed Salah kaas oo maray dariiqii halyayadii qaarada Afrika ugu fiicnaa.

Mohamed Salah ayaa farqad wayn ka muujiyay in uu abaal marinta xidiga sanadka ee qaaraada Afrika ugu fiican uu ku guulaysto. Mohamed Salah ayaa abaal marintan ku garaacay xidiga ay isku kooxda Liverpool yihiin ee Sadio Mane oo ahaa xidiga ay ugu danbayn kala baxeen iyada oo Naby Keita uu noqday xidigii ugu horeeyay ee tartanka lagu reebay.

Victor Moses ayaa isna noqday xidigii labaad ee tartankan lagu reebay waxayna mar saddexda xidig ee isku soo hadhay ahaayeen Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang laakiin Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa markale tartanka xidigo iskugu soo baxay waxaana guulaystay Mohamed Salah.
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xidiga kooxdiisa ee Mohamed Salah gudoonsiiyay abaal maritnan wuxuuna yiri: ” Hambalyo saaxiibkayow si fiican ayaad ugu qalantaa. haddii daacad la noqdo,  waa abaal marin fantastik u ah ciyaartoyo aad ugu fiican”.

Mohamed Salah ayaa la waydiiyay waxa ay dareenkiisa ugu dhigan tahay in uu abaal marinta ku guulaystay wuxuuna ku jawaabay: “Aad ayaan ugu faraxsanahay abaal marintan, dareen khaas ah ayay aniga ii leedahay. Waxaan sidoo kale jecelahay in aan sanadka soo socda aan ku guulaysto”.

Mohamed Salah ayaa la waydiiyay dareenka ay abaal marintani u samaynayso in uu ku biiray magacyada Okacha, Kanu, Weah oo ka mid ah halyayadii Afrika ee abaal marintan ku soo guulaystay wuxuna Salah yiri: “Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqdo iyaga oo kale oo aan abaal marintan ku guulaystay. Markasta waa wax khaas ah marka aad wax ku guulaysato. Waxaad dareemaysaa in aad xili ciyaareed fiican iyo sanad fiican soo samaysay”.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan ah xidiga goolasha ugu bada ka soo dhaliyay horyaalka Premier Leaque isaga oo 13 gool ku hogaaminaya wuxuuna haddaba dhaafay goolashii uu guud ahaan xili ciyaareedkii hore u soo dhaliyay kooxdiisii hore ee AS Roma.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment