Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhow Si rasmi ah u furay Shirka Amniga Qaranka (Sawiro)

Bulsha:-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si rasmi ah u furay Shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Maamul Goboleedyada, Wakiilo, Safiiro ka socda Beesha Caalamka, Saraakiil ciidan oo ka tirsan Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Shirkan ayaa ka socda Hool ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa shirka diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga Soomaaliya, wixii ka qabsoomay shirkii London ee dhacay bishii May ee sanadkan, dib u habeynta ciidamada, sidii Ciidamada amniga Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in ammaanka kala wareegaan AMISOM iyo arrimo kale.
Madaxda iyo Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galaya ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan shirka, kuwaasoo intooda badan lagu lafa gurayo arrimaha ammaanka iyo taageerida Ciidamada Amniga Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment