Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay nin xirnaa dharka dumarka

Bulsha:- Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin soo xirtay dharka dumarka, kaasoo falal amni dari ka geysan rabay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda ayaa sheegay in Ciidamada Amniga gacanta ku dhigeen nin soo xirtay dharka dumarka.

“Xalay Ciidamada Ammaanka waxay gacanta ku dhigeen nin soo xirtay dharka dumarka, indha shareer iyo xijaab, falal amni dari ayuu damacsanaa inuu sameeyo”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tan iyo qaraxii dadka badan ku dhinteen ee dhacay 14-kii bishii October ay isa soo dhiibeen 54 dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in lixdameeyo ka tirsan Al-Shabaab lagu soo qabtay howl gallo la sameeyay, isla markaana hey’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan.
Munaasabaddii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo loogu magac daray Soomaalida cusub ayaa waxaa lagu soo bandhigay Waxqabadka Xukuumadda, waxaana wasiir walba uu ka warbixinayay wixii u qabsoomay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment