Wax Badan Ka Ogoow Kacsi la’aan Ku timaadda Ragga

Bulsha:- Kacsi la’aan kutimaada ragga waxaa loo yaqaanaa Erectile dysfunction, xaaladaan waxay timaadaa marka ninka uu heli waayo kacsi amaba uusan xaji karin kacsi ku haboon galmo, xaaladaan ma ahan mid caadi ah iney dhacdo xataa ninka hadu jiro da’ yar am mid weyn, weyna ka duwan tahay xaaladaha kale ee cilad ku keena galmada, sida damac la’aanta galmada, ama ciladaha saameeya biya bixida raga.

Ma wax caadi ah baa iney cilad ku timaado kacsiga ninka ragga?

Xaaladaan ayaa si joogta ah ugu dhacda 5 boqolkiiba ragga jira 50 sano, 15 ilaa 20 boqolkiiba waxay ku dhacdaa ragga jira 65 sano iyo ka badan. Laakin ragga oo dhan waxay dareemaan kacsi la’aan xili yar soo ifbaxda mararka qaar, laakin waa kacsi la’aan jirta mudda gaaban, waxaana sababa daal badan, wal wal badan iyo cabidda khamriga.

Kacsi la’aan ka yar 20 boqolkiiba uma baahna wax daawa ah inta badan, hasayeeshee hadii ay ka badato 50 boqolkiiba waxay tilmaameysaa iney jirto xaalad caafimaad oo ubaahan in wax laga qabto.

Sababaha kacsi la’aanta

  • Si ninka ragga ah uu uhelo kacsi ku haboon galmada waxaa loo baahan yahay:
  • In dareemayaasha guska ay si wanaagsan ushaqeynayaan
  • In dhiig ku filan uu gaaro wareega dhiiga ee guska
  • In xididada dhiiga ay kuhayn karaan dhiig gudada guska
  • In ay jirto dareen kacsi ee ka yimaado maskaxda
  • Hadii ay jirto wax fara gelin ku sameyn kara qodobadaas, ninka ragga ah ma heli karo kacsi buuxa oo ku haboon galmo.


Xaaladaha caanka ah ee sababo kacsi la’aanta waxaa ka mid ah cudurada saameyn ku yeelan kara qulqulka dhiiga sida:

  • Xididada dhiiga oo xirma
  • Cudurada neerfaha
  • Xaaldo nafsi ah sida walwalka, walwalka shaqada (xishoodlow)
  • Dhaawac soo gaara guska,
  • Cudurada joogtada ah, waxaa kaloo sababi kara kacsi la’aanta sidoo kale daawooyinka qaar.


Maxaan sameeyaa hadii aan qabo ciladaas ama aan xajin karin kacsiga?

Hadii aad isaga shakisid in aad qabtid ciladaas latasho dhaqtar, dhaqaatiirta waxay sameynayaan baritaano badan si loo ogaado waxa sababaayo ciladaada, mar hadii ay ogaadaana waxaa jiro daawooyin loogu talagalay xaaladaha kala duwan.

Laakin waxaa jira waxyaaba aad ubaahan tahay adiga inaad la socodotid waxaana ka mid ah:

Dareenka ah inaad sameysid galmo wuxuu ka soo bilaawdaa maskaxda ee kama bilaawdo guska

Hadii maskax ay ku mashquul santahay iney xaliso caqabada kale, ma ahan mid suurta gal ah iney ku fikirto galmo

Hadii aad dareentid inaad kacsiga aad gabtay oo aad ka walwashid, waxaa kugu adkaaneysa inaad kacsatid

Hadii shaqada aad qabatid ay tahay mid walwal badan leh waxay maskaxda ka mashquuleysaa amrida kacsiga

Hadii aadan cunin cunno isku dheeli tiran ama aadan cabin biyo kugu filan, jirka waxaa ku adkaaneysa inuu biyo soo saaro
Midda ugu muhiim san ayaa ah inaad ogaatid iney caadi tahay in mararka qaar uu kacsiga lumo, umana baahna inaad ka sii fikirtid ama aad isku walwalisid.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment