Bulsha:- Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday, in isbaheysigooda ee go’doomiyay Qatar ay xanibaad hor leh ku soo rogeen Ururo Islamai ah iyo Shaqsiyaad caan ah oo xiriir dhow la leh Qatar balse lagu eedeeyay argagixisinimo.
Wakaalada Wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa baahisay in Lixda Quwadood ee sucuudiga hogaamiyo ay argagixiso u aqoonsanyihiin11 ruux oo uu kujiro Sheekh Maxamed Siciid (Atam) oo ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee deegaanada Puntland.
Ata moo dowladda isu soo dhiibay sanadii 2014-kii, ayaa loo duuliyay dalka Qatar halkaas oo uu ka helay magangalyo Siyaasadeed.
Warka ka soo baxay Dowladdahan Lixda ah ayaa sidoo kale lagu sheegay iney laga feejignaado qataraha ka iman kara 11-ka Qof iyo Ururada ay la xiriiriyeen argagixisonimada.
Arinkan ayaa waxa uu sii cakirinayaa xiisadii udhexeysay Dowladda yar balse qaniga ah ee Qatar iyo Dowladdaha; Sucuudiga, Imaaraatka, Masar iyo Kuweit.
Dowladda Somaliya oo dhex dhexaad ka istaagtay xiisada udhexeysa dalalka Khaliijka ayaan wali ka hadal go’aankan cusub ee ka soo baxay dowladdaha go’doomiyay Qatar, xiliga la dhiibayay Sheekh Atam ayaa dalkan waxa madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment