Sucuudiga oo Sheekh Atam ku daray liiska argagixisada.

Bulsha:- Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday, in isbaheysigooda ee go’doomiyay Qatar ay xanibaad hor leh ku soo rogeen Ururo Islamai ah iyo Shaqsiyaad caan ah oo xiriir dhow la leh Qatar balse lagu eedeeyay argagixisinimo.

Wakaalada Wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa baahisay in Lixda Quwadood ee sucuudiga hogaamiyo ay argagixiso u aqoonsanyihiin11 ruux oo uu kujiro Sheekh Maxamed Siciid (Atam) oo ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee deegaanada Puntland.

Ata moo dowladda isu soo dhiibay sanadii 2014-kii, ayaa loo duuliyay dalka Qatar halkaas oo uu ka helay magangalyo Siyaasadeed.

Warka ka soo baxay Dowladdahan Lixda ah ayaa sidoo kale lagu sheegay iney laga feejignaado qataraha ka iman kara 11-ka Qof iyo Ururada ay la xiriiriyeen argagixisonimada.

Arinkan ayaa waxa uu sii cakirinayaa xiisadii udhexeysay Dowladda yar balse qaniga ah ee Qatar iyo Dowladdaha; Sucuudiga, Imaaraatka, Masar iyo Kuweit.
Dowladda Somaliya oo dhex dhexaad ka istaagtay xiisada udhexeysa dalalka Khaliijka ayaan wali ka hadal go’aankan cusub ee ka soo baxay dowladdaha go’doomiyay Qatar, xiliga la dhiibayay Sheekh Atam ayaa dalkan waxa madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment