Qatar oo ku dhawaaqay in ay ka qeyb galeyso Dagaalka uu Iclaamiyay Farmaajo

Bulsha:- Wakaalada wararka Qaranka ee dalka Qatar “Qana” ayaa baahisay in Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Cabdullahi Bin Nasir Aala Thani uu kulan kula qaatay Magaalada Doxa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow oo booqanaya wadankaasi.

Wakaalada ayaa shaaca ka qaaday in labada masuul ay isla qaateen xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu u baahan yahay in gacan weyn laga siiyo dhinacyada amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Inkastoo labada masuul ay diirada saaren qadiyo dhowr ah oo dhinaca gobolka iyo mid caalami ah hadana si xoogan ayay uga doodeen qaabka loo wajahayao amniga iyo xasilooni kusoo dabaalida Soomaaliya.

Saraakiil diiday in magacooda warbaahinta loo adeegsado kuna dhawaa wada hadalada ay qaaten Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar iyo Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Qatar ay muujisay sida ay diyaar ugu tahay in Soomaaliya ay ka caawiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wadamada saaxiibada la ah waxa ay ka raadinayaan taagero caalami ah oo lagu gacan siiyo dhinac dhaqaale ama saanadba howlgal bartimihii bishii October uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment