MD Farmaajo iyo Sarakiisha CXD oo meel isla dhigay qorshaha duulaanka ka dhanka ah Al shabaab

Bulsha:-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Shir gaar ah Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogag Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Wasaaradda waxa uuna kala hadlay diyaar garowga Ciidamada Dowladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne farmaajo ayaa warbixino ka dhageestay Taliyaasha Ciidanka iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca  Soomaaliya oo ku saabsan Diyaar garowga ay wadaan Ciidanka Soomaaliya oo maalmaha soo socda Wajahaya Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa waxa ku wehliya Xubno sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga waxaana la sheegaya in meel wanaagsan maraya Diyaar garowga Ciidanka.

Madaxweynaha oo lahadlay Saraakiisha Ciidanka Dowlada waxa uuna u sheegay in ay muujiyaan Dulqaad Al-Shabaabna ay ka saaraan dhulka ay maamulaan ee Soomaaliya si looga hortago Weerarada ka dhacay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow iyo Jawi colaadeed oo ay dhowrayaan Shacabka Soomaaliyeed, Gulafka Colaadeed ee ka taagan Dalka ayaa u muuqda mid ay u siman yihiin Shacab iyo Dowladd.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment