Xildhibaan Hore iyo Sarkaal Boolis oo Ku dhintay Qaraxii Hotel Naasahablood iyo Khasaaraha oo sii kordhay (Sawirro)

Bulsha:- Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyooday qarax xooggan oo galabta lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2, iyadoo dadka ku dhintay ay ku jiraan Xildhibaan hore iyo Sarkaal Boolis.


Wararka horu dhaca ayaa sheegaya in Xildhibaan hore C/naasir Gaarane uu ku dhintay qaraxa, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Taliyihii Booliska degmada Dayniile Maxamed  Yuusuf Nuur (Fanax Xagaley) oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid..

Wararka ayaa sheegaya in gaari uu la socday taliyaha uu qaraxu ku qabsaday afaafka hore ee Hotelka Naasa-Hablood-2 ee degmada Xamar weyne xili uu halkaas marayey.
Hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa kaddib rasaas laga maqlay gudaha Hotelka, isla markaana ay aheyd kuwo la is dhaafsanayay.
Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasahablood 2.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment