Sida Loo shukaansado garoobada Caruurta leh -Talo Isbaakulo

Bulsha:- :- In aad shukaansato gabar aan guur soo marin iyo garoob lasoo furay waa laba arimood oo aad u kala duwan, una baahan in la kala barto si loo helo mid kastaba sida loo wajaho

Hadaba hadii aad tahay nin ku howlan amaba jecel barashada haweeney guur soo martay (garoob) waxaa kula gudboon in aad ahmiyad gaar ah siisid arimahan hoos ku xusan, si xiriirkiinu u noqdo mid guul iyo guur hagaaga sabab u noqda.

1- Ogow inaad kaalinta labaad ku jirto, hadii ay caruur leedahay.

Wey adagtahay in aad xiriir jaceyl la sameyso ruux aad ogtahay inuu ku gelin doono kaalinta labaad ee noloshiisa, balse ogow hadii aad shukaansaneyso haweeney garoob ah oo caruur leh, in caruurteedu ahaan doonaan kaalinta koowaad sida hooyo walbaba ay sameyso, taasoo ka dhigan in aadan waqti badan iyo fursado badan aadan u heli doonin qoftaas si shukaansigiinu u
noqdo mid macaan gooni ah leh.

2- Deganaan badan muuji, waqtina sii.

Shukaansiga garoobadu waa arin u baahan dulqaad gooni ah gaar ahaan marka ay tahay qof dhawaan lasoo furay, haka filanin in ay wax walba sida aad rabto noqdaan, maxaa yeelay maskaxdeeda waxaa kusoo noq noqonaya sawiro iyo muuqaalo nolol qaraar ama macaan leh oo ay lasoo qaadatay ninki wadada kaaga horeeyay, waana inaad siisaa waqti ay kugu dhex gasho si ay u hilmaanti wixii hore.

3- Baaritaan sameey, balse haka bad badin.

Waa muhiim in aad weydiiso sababta guurkeedii hore u fashilmay ama loo furay, si aad jawaabteeda uga dhex heshid qaabka ugu haboon ee aad ula dhaqmi doonto waaba hadii ay runta kuugu jawaabtee, balse waxaa iyadana ka fiirsi u baahan in su’aalahaadu aysan noqon kuwa u eg eedeysane lasoo xiray oo su’aalo laga weydiinayo danbigiisa.

4- Fahan ayaa lagaa rabaa marka ay xaajigeedi hore la hadleyso.

Niman badan ayaa dareema maseyr iyo madax xanuun marka ay arkaan ayadoo la hadleysa xaajigeedii hore, balse xaqiiqda ayaa ah in xaajigeedii hore uu yahay qeyb ka mid ah nolosheeda, hadii ay meesha caruur joogaana arinku waaba kasii fog yahay, waxaana loo baahan yahay in aadan horey ka xanaaqin ee aad u fiirsato ujeedka la iskula hadlay iyo danaha isku keenay, maadaama ay yihiin dad xidid iyo xiriir u dhex maray oo waliba hal go’ isla huwaday.

5- Digtoonaasho badan muuji marka ay kaligood meel ku balamaan.

Arintaan ayaa ah mid xamaasad leh, waxaana loo baahan yahay in caqligaada iyo indhahaadu furnaadaan marka aad maqasho ayagoo meel gooni ah in ay kulmaan doonaya si ay waqti isula qaataan, tanina waxey u baahan tahay fasir gooni ah xitaa hadii caruur ay ka dhaxeyso ma jirto sabab keeni karta in ay gooni isula baxaan, maxaa yeelay waxey dhalin kartaa tuhun, amaba waxey muujineysaa in wali midkood uu yahay maslaxo raadis doonaya in dib la iskula midoobo, sidaas darteed ka digtoonoow arintan.

6- Ogow garoobadu ma jecla gocashada.

Inkastoo aysan wanaagsaneyn gocashadu, hadana marka la eego garoobada ayaa aad ugu nugul naceybka gocashada, waana inaad ka digtoonaataa in aad is bar bar dhigto xiriiro hore oo aad soo martay iyo xiriirkan waxa ay ku kala fiican yihiin ama ku kala xun yihiin, taasina waxa ay damqineysaa boogdii bogsatay ee haweeneyda lasoo furay, oo ayadu mar walba u nugul inay soo xasuusato seygeedii hore wixi uu wanaag u sameyn jiray iyo wixi uu xumaan u geystay intaba.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment