RW. KHAYRE oo Maanta ku Wajahan Dalka Turkiga iyo Waxa u Qorshaysan

Bulsha:-  Waxaa saaka lagu wadaa in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre uu ka ambabaxo magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxa uuna halkaa kula soo kulmi doonaa Madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogaan iyo madaxda kale ee dalkaasi.

Khayre ayaa madaxda Turkiga wuxuu kala hadli doonaa sida uu qorshaha yahay xiriira labada wadan, oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, taageerada Soomaaliya ee Turkiga, iyo waxyaabo kale.

Waxa uu intaa kadib booqan doonaa isbitaalada ay ku jiraan dhaawacyada ay waxyeeladu ku gaartay Qaraxii ka dhacay isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dhinacyada uu la kulmi doono ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga.

Safarka Kheyre ayaa ku beegnaa 15-kii bishan, hase yeeshee waxa uu u baaqday dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday isgooyska Zoobe.
Si kastaba ha ahaatee, Safarka Kheyre ayaa qaadan doona muddo laba cisho ah, waxa uuna intaa kadib dib ugu soo laaban doonaa magaalada Muqdisho Hadii alle idmo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment