Raggu Kama Sabraan Haweenka Tilmaamahaan Laga Helo

Bulsha:- Raggu ma iloobaan haweenka sabarka badan ee u dul qaata dhibaatooyinka kala duwan kalana qeyb gala cadaadiska mararka qaar noloshiisa kusoo kororta murugadeed.

Waxa ayna u noqotaa badbaado iyo difaac adag oo raggu ay ku gambadaan xilliyada dhibaatooyinka.

Haweeneydiisu waa mida kor u qaada waxyaabaha uu haminaya kuna dhiiragelisa si fiicanna u ogsoon xilliga looga baahan yahay in ninkeeda ay u soo xaadirto sidoo kalena ogsoon waxa ay ku oranaeyso si naxariis iyo kalgaceyl ay kujirto una sabreysa illaa sidii ay ku baratay uu kusoo laabto kulana dhaqmeysa xikmad iyo caqli…. Tani waa haweenka raggu aysan marnaba iloobi Karin si waliba oo xaalku noqdo.

Haweeneyda caqliga badan.

Haweeneyda caqliga badan waa mida si wanaagsan u garata sida loola dhaqmo ragga nolosha kula shirkoobayo fahmeysana nin waliba dabeecadihiisa u gaarka ah ogsoonna xilliga ay la sheekeysaneyso iyo xilliga ay dalbeyso iyo sidoo kale xilliyada ay ka aamuseyso iyo xilliyada ay dhageysaneyso keliyana intaasi aan ku ekeysaneynin hayeeshee ogsoon sida ninkeeda uu kusoo muuqan karo oo horumar uu ku gaari karo.

Iyada oo kalsooni ku qabta naftiisa dhiiragelin saa’id ahna u sameyneysa… Haweeneydani waa mida aan ninkeeda marnaba iloobi Karin waayo waa lamaane lagu aflaxay, wuxuuna ninku dareemayaa mar waliba oo akteeda uu joogo fikrad yookeeda sareyso oo hadana xeel dheer mar waliba oo iyada uu lajoogo.
Haweeneyda dhalamada badan.

Haweeneyda dhalmada badan waxay ka dhigeysaa ninka nolosha kula wadaaga nin rag oo kalsooni qaba, mar waliba oo dhalmadeeda uu siyaado wuxuu dareemayaa ninka raganimadiisa in ay sii korortay waliba si saa’id ah iyada oo aan isku dayin in ay kakeensato arrinkaasi ama sidoo kale uu u yeesho fiiro gaar ah sheekadeeda xilliyada uu labisanayo iyo xilliyada uu la fadhiisanayo.
Nninka waxa uu dareemayaa xilliyadaasi raganimo dheeri oo xaqiiqi ah xittaa haddii uu duqoobo… haweeneydani waa mida ninkeeda uu jeclaanayo uuna jeclaanayo iyad oo dhan marna ka suurageli meyso in uu iloobo.
Haweeneyda Qurxoon.

Ninku iloobi mayo Haweeney qurux badan oo dhexdeedu diiran tahay lehna shaqsiyad deganaan ah nafteydana is hagaajineysa jecelna deganaanta iyo madax banaanida oo aanu ninka ku dedejin waxyaabaha qaar xilliyada uu buuqsan yahay kana dhiganeysa xilliyadaasi oo kale waxa ay kaashato caqli iyo qurux lasocota deganaan.

Haweeneydaasi waa tan raggu ay fiirada gaarka ah siisa una muujisa quruxdeeda kana dhowra indho aan tiisa aheyn, hami gooni ah ayay raggu siiyaan mana ku keliyeeyo taasi oo kale nolosha.
Haweeneyda lama filaan ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment