Guurka Oo La Ogaaday In Uu Dhiso Lafaha Raga,Kana Badbaadiyo Cuduro Halis Ah

Bulsha:- Waa markii ugu horraysay ee taariikhda la ogaado in guurka iyo tayadiisu ay xidhiidh la leeyihiin lafaha qofka sida uu sheegay Dr. Carloyn Crandall oo ah khabiir caafimaadka ka dhiga Jaamacadda UCLA ee Maraykanka

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro Maraykan ah, ayaa shaacisay in guurku ragga ka badbaadiyo cudurrada wadne-xannuunka iyo kansarka, isla markaana uu lafahooda ka dhigo qaar xooggan markuu ninku ku guursado isagoo 25 jir ka weyn.

Cilmi-badhayaashani waxay ogaadeen in ninka guurka fiican guursada ama xaaskiisu u fiican tahay uu jidh ahaan dhismo, marka loo eego ragga xaasaskooda inta badan ay kala tagaan ama aan guursan-ba

Khubaradani waxay shardi ka dhigeen da’da uu ninku ku guursanayaa ka weynnaato 25 jir, halka ay tilmaameen ninka da’daa ka hooseeya in lafaha jidhkiisu diciifaan hadduu yaraan ku guursado.

Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska la yidhaa Osteoporosis International, waxba kamay sheegin sida haweenku ku noqdaan guurka, balse waxay ku saabsanayd xidhiidhka guurka wanaagsan ee ragga iyo caafimaadkooda ka dhexeeya.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment