MUUQAAL: RW. Khayre oo la kulmay Madaxwayne ERDOGAN, Booqdayna Dhaawacyadii la geeyay Turkey

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqday dadka dhaawaca ah ee lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Ankara kuwaasoo ku dhaawacmay qarax ka dhacay 14kii bishan magaalada Muqdisho.


“Walaalaheena Turkiga waxa ay na garab istaageen markii aan u baahnayn.”ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre xilli uu booqanayay isbitaalka Ankara Numune Hospital.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa mid mid u dul tegey bukaanada dhaawaca ah waxana uu xaaladooda caafimaad uu wax ka weydiiyay dadkii la socday bukaanada iyo weliba dhakhaatiirta isbitaalka,bukaankii awoodi karay inuu hadlana waxa uu ka wareysanayay xaaladiisa.
Kahor inta uusan booqan isbitaalka lagu daweynayay dadka dhaawacyada ah ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaare Binali Yildirim iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal,gobolka iyo guud ahaan caalamka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment