Ka fogoow 10 shaqsi shukaansigooda!!! haddii kale….

Bulsha:-  Shaxaari ‘Player’ Ha u dhawaan qof shaxaari ah oo had iyo goor waxey mashquul ku yihin iney qof kugu dhinac wadaan intasna waxey waxey mashquul ku yihin sidey ula shekeysan lahayan boqolka qof ay gooni gooni u shukaansadan.

2. Ballanqaadka Ka BaqaDadka ka baqa iney wax ka balan qaadan sida waqtigey ku guursan lahayeen, taas waxey tusineysa iney daciif yihin oo aanay go’aan goosan karin shaki daraadeed. Hadaba ha shukaansan dadka noocaas ah.

3. Shaqo Jecel Dadka shaqo ku diinka ah ayana ka fagow waxey had iyo goor mashquul ku yihin shaqadooda oo marna uma helan waqti iney kula qaatan. ‘work hard, play hard’.

4. Dadka Maqane Jooge Jaceylku Ka Dhigo Dadka shacuurta ama qiirada badan ayana ka fogow had iyo goor wey maqanyihin oo wax aan saas u weyneyn ayay shacuurtooda la jirta. Waana adagtahay sida ula yeelin laheed hadal furan.

5. Kuwa Caadi ahaan u Maqan Haduu qofka shukaansaneysid wax badan kaa qarinayo sida meesha uu ku maqnaa/maqneyd waa calaamad ku tusineysa iney qof ka qiimo badan la socdaan oo adi ku meel gaartay tahay. Laga yaabe iney qof qabaan oo ka qarinayan.


6. Qofka Sheekada Jaceylka u Yaqaan ‘Drama Lover’ Qofka saan ah ayaa ugu daran oo wuxu ka badbadiyaa waxayaabo iska caadi ah sida qaabka u labisatid ama kalmadaha isticmaashid. Daqiiqado yar gudahood ayaa is arkeysa adoo ku dhex jira muran saacado socda oo ka bilaabmay sababta shaah habeen barki u cabeysid.
7. Caqli Ciyaal Dabcan waa jecelnahay ciyaalka laakinse waa madax faluuq inaad shukaansatid qof wali waalidkiis amraan oo waa adkaneysa sidad sheeko rasmi ah ula yeelan laheed. Maxaa yeelay waalidkiis ma jeclo in ilmahooda soo baado. Yuusan kula tagin muuqaalka qofka iyo lafweynida.

8. Qalin Shubato ‘Gold Digger’ Saxiib saan ah dabcan waa leedahay waa kan wiil ama gabar ha ahaade, waa ku dantooda oo kaliya tahay iney lacagtada isticmaalan. Wax kasta ayey ku sameynayan intey lacag ka helayaan markey ka wayanan kuma yaqanin. Ayeeyada maka maqli jirtay ‘Heblo waa Qaalmo Shubato’ hadaba waqtigan waxa jira ‘Hebel waa qalin shubte’.

9. Deneystaha Jaceylka Daneystaha jaceylka waa sida qofka iibiya alaabta la isticmaalo oo dantooda kaliya waxey tahay iney ka gadan alaab aan qiimo laheyn.

10. Aqristow adigaa ku dhaafnay qofka tobonaad inaad la qeybsatid ra’yigaaga.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment