1. Dareen: Qalbiga haweenku waa sida ubaxa, markaa waxaa waajib ah in loola macaamilo si taxaddar badan leh, waxa ay mar kasta u baahan tahay jacayl iyo in la dareensiiyo daryeel iyo kool-koolin. Ninka doonaya in uu isjeclaysiiyaa waa in uu tuso in jacaylka ka sokow uu yahay ruux daryeel, xannaanayn iyo kool-koolin ay ka heli karto.
2. Isfaham: Qaylada iyo rabshaddu gabadha waxba uma soo kordhiyaan, dabeecaddeedana waxba kama beddelaan. Is-fahamka ayaa ah furaha ugu muhiimsan ee nolol qoys oo guulaysata, sidaa awgeed waxaa nin kasta waajib ku ah in uu fahmo waxa ay dhab ahaan xaaskiisu doonayso iyo in uu si dhibirsan ula macaamilo. Xoog la isu-adeegsado iyo madax adaygu waxa ay sii huriyaan colaadda.
3. Danayn: Gabadhu sideedaba waxa ay jeceshay ninka ay ka dareento in uu xaalkeeda iyo nolosheedu ay muhiim u yihiin. Ninka qalbigeeda hantaana waa ka u muujiya sida ay muhiim ugu tahay, waayo cadowga koowaad ee gabadhu waa wehel la’aanta, cabsida iyo kalsooni darrada, qalbigeeda burburiyaan.
Ninka doonaya in uu gabadha hanto waxaa la gudboon in uu haasaawiyo, ka farxiyo, tusana in uu u yahay wehel garab taagan.
4. Kalsooni: Ninku ha ku dadaalo in gabadha uu tuso in uu yahay qofka qalbigeeda ugu dhow, ku dadaal in aad kalsooni ku abuurto oo ay iyadu noloshaada udub dhexaad u tahay. Haddii aad aragto mushkilad haysata tus in aad garab taagan tahay, wixii aad la qaban kartana diyaar u tahay. Ogow in kalsoonidu ay tahay arrinta ugu muhiimsan ee jacayl lagaga kasban karo qalbiga gabadha.

5. Ilaalin: Gabadhu waxa ay nafsi ahaan dareentaa in ay u baahan tahay wehel ammaan ah, tus in aad diyaar u tahay in aad dhinac kastaba adigu waardiyeynayso. Ku hor ixtiraam ehelkaaga, asxaabtaada iyo carruurtaada oo iska jir in aad hortooda wax aan fiicnayn iyo canaan uga soo jeediso. Iska jir in cidi hortaada ku tidhaahdo erey dhaawacaya shucuurteeda, waayo gabadhu waa ay jeceshay ninka ay u aragto in uu garab taagan yahay.
6. Kalgacal: In kasta oo uu dheeraado waqtiga guurku, haddana gabadhu kama weynaato jacaylka ay u qabto in ay saygeeda ka maqasho ereyga ah ‘Waan ku jecelahay’ ha ka gaabin in aad indhaheeda eegto oo aad kelmaddan ku si niyad ah ugu tidhaahdo da’ kasta oo ay tahay, waxaa hubaal ah in ay dib qalbigeeda u furi doonto, ruuxdii firfircoonida iyo kalgacalkii dhalinyaronimana dib u abqaali doonto.
Qalbiga gabadhu waa sida ubaxa, laakiin isaga waraabkiisu waa kalgacal loo muujiyo, haddii uu waayana dhaqso ayaa uu u qaadhaa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment