Guddoomiyihii baarlamaanka Ethiopia oo arrin yaab leh isku Casilay kadib markii…

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya inuu is casilay Guddoomiyihii baarlamaanka Ethiopia Abadulla Gemeda.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa warqadaha is casilaada ku wareejiyay guddiga fulinta ee ururka ”Eprdf” waxaana la soo warinayaa in guddiga uu aqbalay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa cadaadis kala kulmay madaxda ugu sareysa dalka iyo Xildhibaanada baarlamaanka kadib markii lagu helay kiisas is biirsaday oo ku aadan shaqada baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha lagu helay musuq lacageed iyo ku tagrifal awooda madaxda ugu sareysa dalka.

Guddiga fulinta ayaa sheegay in dhawaan ay soo sharixi doonaan shaqsigii badali lahaa Abadulla Gemeda oo mudda 10 sano ka badan ahaa Gudoomiyaha baaralamaanka Ethiopia.
Guddiga ayaa baadi-goob ugu jira shaqsiga buuxin lahaa booska Abadulla Gemeda, waxaana suuragal ah in xilkaasi la magacaabo iyadoo aanu dhicin doorasho.

Si kastaba ha ahaatee, sharciyada baarlamaanka Ethiopia ayaa aad uga duwan kuwa dalalka kale ee dhaca qaarada Africa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment