Dowladda Jabuuti oo soo dirtay diyaarad sido gargaar caafimaad iyo dhaqaatiir

Bulsha:- Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa diyaarad gargaar caafimaad sida u soo dirtay Magaalada Muqdisho,

si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dadka faraha badnaa ku dhamaadeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aadan Hassan Aadan oo la hadlayay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sheegay in Diyaarad daawo iyo agab caafimaad sido oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti isla markaana ay la socdaan 25 dhaqaatiir iyo kalkaaliye Caafimaad ah ay ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa xusay in ay reer Jabuuti ay si buuxdo u garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed asagoo xusay in ay aad uga xunyihiin Mashaqaddii ka dhacday Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.
Dowladda Jabuuti ayaa ah mid marwalbo garab taagan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ayagoo abaalo badan horay ugu soo galay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment