Ugaar ah:- Isbadallada Niyadda Xilliga Caadada Ka Hor (PMS)

Bulsha:- Isbadalada ku dahca dumarka xilliga caadada ka hor waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa “Premenstrual sydrome” loona soo gaabiyo “PMS” waxaa xaaladaan dareemo boqolkibia 85% dumarka, waxaana la dareemaa 7da illaa 10ka maalmood ee ka horayso xilliga caadada.

Waxaana lagu gartaa xaaladaan kacsanaan niyadda ah, xanaaq dhow, qofka oo si dhakhso ah shucuurkiisa isku badali karo, waxyaabo uusan dhibsan jirin inuu dhibsado, taasoo uu dareemi karo qofka wada shaqaynta ka dhaxayso khaas ahaan lamaanahaaga.

Waxaa dhici karto hadduu lamaanahaagu uusan aqoon u lahayn isbadalaadan ku dhacayo jirkaaga oo ka baxsan awoodaada in uu kuu qaato si kale amaba is dagaashaan ama xiriirkiina uu xumaado, laakiin hadduu fahmi lahaa ama ogyahay waxa jiro waa xilli aad u baahan tahay in la fahmo xaalada aad ku sugan tahay, taasoo wax badan kaa khafiifin karta.

Haweenka qaar waxay dareemaan xaalad daran oo keeni karta in caruurta iyo ninkaba ay ku jeesato oo gurigaba isku badalo buuq iyo dagaal.

Haddii aad dareentid xaaladahaas ogow hana isla yaabin waa arrin caadi ah oo ay kula qabaan dumar badan, laakiin waxaa habboon in ay fahmaan dadka kula nool khaas ahaan xaaskaaga si uu kuugu turo, kulana qeybsado culeyska ku saaran.

Astaamaha lagu garto xaaladdaan:

Kacsanaan niyadda ahXanaaqNiyad jab ama weOohin iyo isxumaynQofka oo wax uusan dhibsan jirin dhibsadoHadal kulul ama hadal adagMurugo iyo caro isla socotoNeefoosnimo iyo hadalka oo si kale loo fasirtoMaxaa keeno cilladaan?
Inkastoo cilmibaarayaashu aysan sida dhabta ah u ogeyn qaabka ay ku timaado cilladaan laakiin waxaa la ogyahay in ay la xiriirto isbadallada hormoonka ee jirka ku dhaca khaasatan hormoonka loo yaqaano “estrogen”
Furriinka iyo shaqada oo la waayo ma keento xaalada “PMS” waa arrin la xiriirto caadada kaliya.

Sidee arintaan loo xalliyaa?
Haweenka badankood waxay ku fiicnaadaan markii ay badalaan nolol maalmoodkooda, laakiin kuwa aadka u daran waxaa la siiyaa daawooyin, kuwaas oo niyadda dajin karo.
Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu kontarooli karo xaaladaas waxaa ka mid ah:

Jimiscisga: Jimicsiga, dabaasha, socodka iyo ka bixitaanka guriga waxay caawisaa arrintaan in ay dagto.
Cunnada oo la yareeyo oo la cuno dhowr jeer oo siku dhow-dhow iyadane waxaa la arkay in ay ka qayb qaadato dajinta kacsanaanta qofka.
Kaalsiyamka oo la qaato iyadane waxaa lagu arkay inuu yareeyo waxyaabo badan oo ka mid ah astaamaha la dareemo laakiin lama ogo qaabka uu kaalsiyamka uga qeyb qaato arrintaan.
[liKa fogow cunista waxyaabaha macmacaan, cabista kaffeega iyo maandooriyayaasha.[/li]
[li]Waxaa kaloo muhiim ah in lamaanahaagu fahansan yahay xaaladaan iyo waxyaabaha aad dareemayso si uu qeyb uga noqdo xalka, haddii usuan ogayn ama fahansanayn ama u fasirto in ay tahay edeb darro iyo wax kale waxay keeni kartaa dhibaatooyin dheeraad.[/li][/list]

Talo ku socoto ragga xaasaska leh:
Ragga xaasaska leh waxaan leeyahay in aad ogaataan arrintaan idinkaa uga baahi badan xaasaskiina maadaama aad tihiin dadka saamaynta ay ku yeelanayso, haddii aadan fahminne waxay keeni kartaa isfahan darro, shakki iyo isneceyn, fadlan xaaskaaga u tur, la caadifoo oo la fahan xaalada ay ku sugan tahay, waa arrin ilaahay ku abuuray oo ka baxsan awoodeeda ma ahan wax ay iyada iska yeelyeelayso ama xakamayn karto.
Wixii aad ku caawin kartid oo niyadeeda dajin karo ama ka qeyb qaadan karo inay ka khafiifiyaan arrintaan in aad la timaado, wixii aad dhibsatidne in aadan waxba ka soo qaadin, haweenka markay xaaladaan ka baxaan aad ayay iskula yaabaan markaa u sheegtid wixii ay samaysay ama qaabkii ay kuula hadashay, taasi waxay tilmaan u tahay in markii ay xaaladaan ku jirto in aysan caadi ahayn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment