Waa Maxay Infekshanka Arooska? Yuuse Ku Dhacaa?

Bulsha:-Lamaanaha guurka ku cusub waxay isku arkaan xanuun loo yaqaano “Infekshanka Arooska” ama afka qalaad lagu dhaho “Honeymoon Cystitis” = infekshanka kaadiheysta ee shahrul-casalka.

Qoraalkeenu wuxuu ku saabsan yahay maanta xanuunkaan maxayna tahay sababta loogu bixiyay magacaan.

Waa maxay infekshanka arooska?
Waa infekshan ku dhaca lamaanaha isku cusub, waxaana aad u dareemo haweenka, wuxuuna ka dhashaa galmada, mana ahan xanuunadii la yaqiinay ee galmada la isugu gudbin jiray ee aan horay uga hadalnay,

Sidaas daraateed lamaanayaasha uma lahan aqoon badan xanuunkaan, waxaana la dareemaa xanuunkaan xilli la kala xishoonayo in arrintaan laga hadlo ama la isku sheegtoo, waana qarsadaan badanaa haweenka, tanoo keeni karto dhibaato caafimaad.
Waxaa laga yaabaa inuu shakki keeno ama far isku fiiqis iyadoo qof walba qofka kale ka shakiyo, sidaasina ma ahan xaqiiqdu oo waa wax labada qof oo isku cusub ka dhashay ee ma ahan xanuun qofka horay u watay ama horay u soo jiray.

Maxaa keeno infekshanka arooska?
Ilaahay wuxuu xubnaha taranka ku abuuray heerar difaacis infekshan oo kala duwan, waxaana ka mid ah in unugyada xubnaha taranka ay la dagaallamaan jeermiska waxayna u diidaan inuu jirka gudaha u gudbo, waxaa kaloo ku yaallo xubnaha taranka qanjirro u xilsaaran inay soo daayaan dheecaanno dilo bakteeriyada iyo wixii la mid ah, sidaas awgeed qofka aanan wali guursanin oo dhowrsan kama sheegto badanaa infekshan xagga hoose ah ama khaasatan dhinaca kaadiheysta.

Maadaama aroos la yahay, galmana la samaynayo, waxaa imaanayo isbadal ku dhaca jawigii guud ee xubnaha taranka kaas oo hoos u dhigi karo difaacii jiray, waxaa badanaysa fursada jeermiska bakteeriyada in ay si sahlan labada qof isku gaarsiin karaan, tan oo ka imaanayso ficillada la samaynayo xilliga galmada, tan waxay keenaysaa in jeermiska bakteeriyada ay ka gudubto ibta kaadida ka soo baxdo una gudubto kaadihaysta, halkaas markay bakteeriyada gaarto way ku tarantaa waxayna keentaa infekshanka loo bixiyay “cystitis” oo ah macnahiisu “Infekshanka kaadiheysta”.

Maxay dumarka ugu sahlan tahay in ay dareemaan infekshankaan?
Ibta kaadida dumarka aad ayay u gaaban tahay oo haddii bakteeriyo gaarto si sahlan ayay u gaari kartaa kaadiheysta, laakiin raggu ibtooda way dheertahay oo waa tubada kaadida soo qaado oo xubinta ragga dhex marto, sidaas darteed waqti dheer ayay ku qaadataa in ay jeermiska bakteeriyada ay gaarto kaadiheysta, waxaa dhici karto in qofka ragga ah uu kaadiyo sidasne ay bakteeriyadee safarka ku sii jirtay ay soo laabato, waana sababta haddii aysan haweentu aqoon lahayn ay lamaanaheeda ugu eedeyn karto xanuunkaan maadaama ay iyadu xanuunsatay isagane uusan waxba dareemin, marka waxaa imaanayso shakki ah in xanuunka laga qaaday ninka, taasina sax ma ahan.

Qofka muxuu dareemi karaa?
Qofka wuxuu dareemayaa kaadida oo gubeyso, xanuun lafta shuunka ama bisqinleyda, kaadida oo qofka ku hakanayso oo uusan si raaxo leh u dhameestiran karin, waxuu qofka ku dhahaa dhakhtarka “kaadida markii ay iga timaado dib ayay iigu laabataa ama way igu noqotaa ama igu carartaa”, haddii aad sidaa maqashid ogow in kaadihaysta lagaa hayo.
Haddii aan xanuunka la iska daawayn wuxuu kaloo qofka dareemaa dhabar xanuun, xanuun galmada ah, kaadida oo dhiig lagu arko iyo qandho dhaxan wadato.

Sidee loo baaraa infekshankaan?
Waxaa laga baaraa kaadida, iyadoo lagu arko astaamaha tilmaamayo infekshanka.
Waa baaritaan fudud oo daqiiqado lagu ogaan karo meel kastane laga heli karo.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Waxuu dhakhtarka kuu qori doonaa daawo antibiotic ah oo lagula dagaallamayo infekshanka, daawada oo si joogto ah u qaadatid waxay kaa baaba’inaysaa jeermiska dhibka ku hayo, waana ka caafimaadi doontaa ilaahay idinkii adigoo wax raad kugu reebin.

Sidee uga hortagi karaa arrintaan?
Haweenka aqal gali rabo waa u muhiim in ay talooyinkaan raacaan:

Cab biyo badan oo fursad ha siinin jeermiska inuu kaadi haysta ku tarmo, cab ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah maalintii, si kaadihaystaada ay nadiif u ahaato mar walba.
Yaray cusbada badan, cabitaanka kafeyga, biyaha warshadaysan, maxaa yeelay waxay ku saacidayaan bakteeriyada in ay taranto.
Isku day in aad kaadiso galmada ka hor iyo ka dib.
Nadaafadaada guud ku dadaal, hana isticmaalin subkiye “lubricant” aanan caafimaad ahayn.
Glmada ka dib is nadiifi oo dhaqdhaqo ee horay haka jiifanin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment