Sawiro: Dibab-bax lagu dalbanayo in xal degdeg ah loo helo khilaafka Galmudug oo Mogadishu ka dhacay

Bulsha:- Dibad-bax lagu dalbanayo in xal degdeg ah loo helo khilaafka maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Mogadishu ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay degaanka Haanta Dheer, degmada Hodon ee magaalada Mogadishu, isugu jirayna haween iyo dhallinyaro, ayaa waxay ka dalbadeen Dowladda Dhexe ee Soomaaliya inay faragelinta ka daayaan xaaladda cakiran ee ka jirta maamulka Galmudug.

Dhanka kale, dibad-baxayaasha ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aankii uu qaatay madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), kaasoo ahaa inaan si sharci darro ah lagu burburin karin maamulka dhisan ee Galmudug.

Bishaaro Shiikh Cali, oo ka mid aheyd dibad-baxayaasha ayaa waxay u sheegtay warbaahinta maxalliga ah, inay dibad-baxayaashu gaarayeen kumanaan, balse Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horjoogsadeen dibad-bax nabadeedkaas, taasoo keentay in aysan isaga gooshin waddooyinka muhiimka ah ee Mogadishu.

Eng. Cabdirixmaan Maxamed Cismaan, Wasiiruhu-Dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamul Goboleedka Galmudug oo shir saxafadeed ku qabtay magaalada Mogadishu, ayaa wuxuu sheegay inay ka xun yihiin in maamulka Galmudug oo ah maamul dhisan faragelin muuqata lagu sameeyo, wuxuuna sheegay inay arrinkaan ka dambeyso Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo xaaladda cakiran ee Galmudug, iyadoo xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay ku baaqeen inaan la dumin maamulka xaqqa ah ee haatan ka dhisan Galmudug.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment