MUUQAAL: Dekedda Berbera oo qarka u saaran in ay Xidhanto iyo Warbixin yaab leh oo Diiradda lagu saaray

Bulsha:- Waxaan halkan idiinka soo gudbin doonaa warbixin yaab leh oo laga diyariyey Dekedda Magaalada Berbera kadib markii sanadkii hore maamulka Somaliland sheegay in uu ku wareejiyay Shirkadda Carbeed ee Dp-Wolrd.

Warbixin laga diyaariyay dhawaan Dekedda Berbera ayaa daaha ka qaadaysa arrimo la yaab badan oo kasoo baxaya Dekaddi Berbera oo laga sugayey horumar iyo in la balaadhiyo isla markaana dib u habayn lagu sameeyo.


Warbixintu waxaa ay sheegaysaa in Dekeddii weynayd ee Berbera dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyo waaba halkeedee qalabkii horay u yaalay meel uu la baxay aan la ogayn waxaana ay sheegaysaa in Ganacsatadii reer Somaliland ee adeegsan jiray dekedda ay badankood ka wareegeen iyaga oo alaabaha kala soo dega Dekeddaha Boosaaso iyo Jabuuti.
Waxaana kale oo ay warbixintan yaabka badan intaasi ku daraysaa in ay Dekedda Berbera wakhti xaadirkan qarka u saaran tahay in ay xidhanto,maadama aysan sidii hore iyo si u dhow toona ahayn Dekeddu shaqaalihii ayaa cabanaya oo isaga kala yaacay,waxaana inta badan isaga tagay dhamaan dadkii lagu yaqaanay ee Dekedda Maamulkeeda hayey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment