Bulsha:- Waxaa lagu wadaa in Somalia ay ka baxaan Ciidamo Boolis ah oo ka socday dalka Nigeria kuwaa oo si buuxa u dhameystay howlahooda shaqo oo ay u joogen Somalia.
Shaqooyinka ciidamadan ayaa ahaa la shaqeynta Ciidamada Booliska ah ee Somalia mudadii lagu guda jiray doorashada xubnaha Golaha shacabka, Aqalka sare iyo Doorashadii Madwxeynaha Somalia.
Gen. Anand Pillay oo ah Taliyaha Booliska AMISOM ayaa sheegay in Ciidamada ka socday Nigeria ay Somaliya yimaadeen xilli aad loogu baahnaa laguna faa’iiday shaqadii ay ka qabteen Somaliya.
Waxa uu sheegay inuu dhamaaday wakhtigii loogu tallo galay balse bedelkooda ay keeni doonaan ciidamo kale oo aad u caaboon.
Waxa uu Gen. Anand Pillay cadeeyay in ciidamada uu wakhtiga ka dhamaaday ay kaalin weyn ka qaaten sugida amniga doorashooyinkii Somalia ka dhacay.
Waxa uu intaa raaciyay inay yihiin xubno aad loogu xiisi doono shaqooyinkooda.
Sidoo kale, Gen. Anand Pillay ayaa sheegay in qorshaha ay Ciidamada Nigeria kaga baxayaan Somaliya ay ka mid tahay dhimista shaqaalaha Amisom ee aan Uniform-ka xirneyn, kuwaas oo uu sheegay in qorshuhu yahay in la dhimo 1,040 oo Qof.





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment