Al-Cuthmani oo si dadban uga jawaabay hadal Imaaraadka ka dhan ah oo kasoo yeeray…

Bulsha:- Danjiraha Imaaraadka carabta u fadhiya Somalia Maxamed al-Cuthmani, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay xoojin doonto xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Somalia.

Maxamed al-Cuthmani, waxa uu sheegay in dowlada Imaaraadka ay ka go’an tahay inay sara qaado awooda ciidamada dowlada Somalia waxa uuna tilmaamay in ciidamada ay tababaraan ay mas’uul ka tahay dowlada Somalia.

Danjire Maxamed al-Cuthmani, oo ay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo kuwada kulmeen Dugsiga tababarka ciidamada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu u cadeeyay inaanu jirin ciidamo gaar u ah Imaaraadka, balse ay jiraan ciidamo ay leedahay dowlada Somalia.

Danjiraha waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in ciidamada Imaaraadka ee Soomaalida ah aysan hoostagin dowlada Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo ay leedahay Somalia.
”Dowlada Imaaraadka keliya waxa ay Somalia ku saacideysaa helida ciidamo tayo leh, ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo noo gaar ah” ayuu yiri Danjire Maxamed al-Cuthmani
Danjire Maxamed al-Cuthmani, waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ay awood u leedahay inay maamulato ciidamada ay tababarta Imaaraadka.

”Ma dhici karto in ciidamo Soomaali ah laga xigsado dowlada Somalia, ciidamada aanu tababarnay waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay dowlada Somalia keliya anagu waxaan ka saacidnay tababarka” ayuu yiri Danjire Maxamed al-Cuthmani.

Sidoo kale, Danjire Maxamed al-Cuthmani ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay xooga saarto dhismaha ciidamada si loogu itaal sheegto waxa uu ugu yeeray Al-shabaab.

Haddalka Danjire Maxamed al-Cuthmani, ayaa kusoo beegmaaya xili Wasiirkii hore ee amniga C/risaaq Cumar uu sheegay in ciidamada ay tababarta Imaaraadka aysan ka amarqaadan dowlada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment