Maxaa Dumarka Quruxda Badan Badankooda Guurka U diida Halkaan ka ogow sababta?

Bulsha:- Cilmibaadhis ay samaysay majallad caalamiya oo ka faalloota arrimaha haweenka ayaa daahfurtay in ragga badankoodu ay aaminsan yihiin in dumarka quruxda badan ee weliba fariidnimada lagu majeerto, kuna dadaala in ay ilaaliyaan quruxdooda iyo xarragadooda ay si sahal ah u helaan guur, laakiin ay taasi tahay

Cilmibaadhis ay samaysay majallad caalamiya oo ka faalloota arrimaha haweenka ayaa daahfurtay in ragga badankoodu ay aaminsan yihiin in dumarka quruxda badan ee weliba fariidnimada lagu majeerto, kuna dadaala in ay ilaaliyaan quruxdooda iyo xarragadooda ay si sahal ah u helaan guur, laakiin ay taasi tahay been ay iska dhaadhiciyeen raggu.

Laba kooxood oo ah cilmibaadhayaal ayaa daraasado arrintan la xidhiidha oo ay sameeyeen ku ogaaday in dumarka noocan ah badankoodu ay inta badan nin la’aan dhacaan, waxa aanay cilmibaadhayaashu tiriyeen liiska sababo ay arrintaas u aanaynayaan.

– Raggu waa ay ka baqaan: Gabadha Quruxda badan, weliba gaar ahaan ta ay maskax badnaantu u dheer tahay waxaa ku beeran kalsooni xad dhaaf ah oo ay nafteeda ku qabto, sidaa awgeed ragga badankoodu waa ay ka baqaan in ay wax xidhiidh ah la sameeyaan iyaga oo ugu yaraan ka cabsi qaba in ay hadhow iyadu hoggaamiso.

– Waxa ay la gaar tahay jacayl badan oo ay u qabto in ay madax bannaanaato: Daraasaddani waxa ay muujisay in gabadha quruxda badan iyo gabadha fariidda ah ama ta labada isku darsatay ay inta badan caan ku tahay kalsooni ah in ay iskeed horumar badan u samayn karto meel dheerna u gaadhi karto, sidaa awgeed ay tahay in ay nafteeda ku tiirsanaato oo aanay cid kale hoos tegin, arrintaasi waxa ay cabsi badan ku abuurtaa ragga oo jecel in ay iyagu talada qoyska qabtaan, isla markaana hoggaamiyaan xaaska.

– Waxa ay xoogga saartaa nolosheeda xirfadeed iyo shaqadeeda: Dumarka fariidnimada badan ama quruxda iyo fariidnimada isku darsadaa waxa ay aaminsan yihiin in noloshooda muhiimkeedu uu yahay in ay dhisaan mustaqbal shaqo iyo xirfadeed oo mustaqbalkooda anfaca. Sidaa awgeed ninku waxa uu ka baqaa in ay gabadhaasi hoggaamiso ama ay uga baahato nolol aanu awoodi karin in uu daboolo dhaqaale ahaan iyo masuuliyad ahaanba.

Dalabaadkeedaa badan: Cilmibaadhayaashani sahamin ay sameeyeen waxa ay ku xaqiiqsadeen in ninku abuur ahaanba isaga aaminsan yahay in gabadha quruxda badan iyo gabadha fariidda ah dalabaadkoodu aad u badan yihiin, sidaa awgeed ay iyaduna mar kasta raadiso in ay hesho nin dalabaadkeeda aqbala oo buuxin kara, ninkuna aaminsan yahay in si kasta oo uu u ladan yahay aanu dalabaadka gabadha buuxin karin.

– Nin u qalma: Ninku waxa uu aaminsan yahay in gabadha quruxda badan iyo gabadha aqoonta iyo fariidnimada lihiba ay jecel yihiin in ay helaan nin u qalma heerkooda, sidaa awgeed ninku waxa uu sidiisaba aaminsan yahay in ay adag tahay in uu gaadho hal-beegga gabadha noocan ahi ku eegayso ninka ay rabto, taasina waxa ay keentaa in nin kastaa ka durko gabadha, keliya cabsi uu ka qabo awgeed.

– Gabadha quruxda badan ama fariidda ahi gabow iyo yari ma kala duwana dabeecaddaheedu: Gabadha quruxda badan ama fariidnimada lagu tiriyo dabeecadaheeda waxaa ka mid ah in da’ kasta oo ay joogto ay aaminsan tahay in aanay guur waayi karin, marka ay u baahatana ninka ay iyadu soo xulan karto, kalsoonidaas ayaana keenta in aanay aad u danayn ragga guurka kala hadlaya ama aanay ka tanaasulin shuruudaha ay ka rabto ninka guursanaya. Waxa ay caan ku tahay in aanay si dhaqso ah isaga aqbalin guurka loola yimaaddo, taasina ay rag badan u arkaan meermeerin kana niyad jabaan. Waxa ay arrintani ka mid tahay sababaha dumarka noocan ah ku keena guur la’aan in ay dhacaan.

Qalinkii fanax fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment