R/W.Khayre oo dhiggiisa Itoobiya kala hadlaya sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo mudo dheer ku xidhnaa Dalkaasi

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhiggiisa Itoobiya Hailemariam Desalegn kala hadlay sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada Itoobiya.

Sida ay faafisay Wakaalada wararka ee SONNA Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si gaar ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kala hadlay sidii maxaabiis ku haray xabsiyada Itoobiya loo sii deyn lahaa, kuwaasoo uu ka mid yahay Wariye Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in todobaadyada soo socda Muqdisho laga soo dejin doono Maxaabiis horay Maxkamadaha Itoobiya u xukumeen oo ku jira xabsiyada dalkaas.

Lama oga sii deynta Boqorka Bartamaha inay qeyb ka tahay is weydaarsi maxaabiis oo dhex maray labada dal.

Hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in sii deynta Maxaabiista la sheegay inuu ku jiro Boqorka Bartamaha ay tahay mid lagu dejinayo xiisada ka dhalatay dhiibiddii C/kariin Qalbi Dhagax oo aanay wali ka hadlin dowladda Soomaaliya.

Lama oga waxa ay ka bedeli doonto xiisada ka dhalatay arrinta Qalbi Dhagaxa, hadii la sii daayo Maxaabiista ay ku jiraan Boqorka Bartamaha ee sanadaha ku xirnaa Xabsiyada Itoobiya,

Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo 50 sano-jir ah ayaa laga xiray Addis Ababa bishii November, 2013, iyadoo lagu eedeeyay waxa loogu yeeray inuu ka qeyb qaatay fal argagaxiso, waxaana habka su’aallo weydiintiisa loo cuskaday sida uu qabo sharciga la dagaalanka argagaxisada ee Itoobiya, waxaa lagu xukumay muddo 27 sano oo xabsi ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment