Bulsha:- Waxaan wada Ognahay, inuu Allaah ku Waajibiyay Dumarka Islaamka ah, inay Qariyaan Jirkooda, si aan loo Arag, Ragga aan Xalaasha u ahayna ayna u Daawan Jirkooda, sidaasna Allaah uma uusan yeelin Cuna Qabateen ee waa ilaalin Xaga Allaah ka ahaatay.
Haddaba, Hadalka hadaan soo Koobno, waxa aad Qabanayso inta aanad Qaban, waxaad iswaydiisaa Walaasha Muslimadda ahey; hadaad Qaadato Xijaabka maxaad ka Faa’idaysaa?, jawaabtu waxay tahay; waxaad ka Faa’idaysaa:-
1) Amarkii Allaah oo ad Fulisay, Allaahna wuxuu Amaanay Cid kasta oo Amarkiisa Qaadata oo wuxuuna yiri: kuwa Sameeyay oo wuxuu Allaah ka doonay Fuliyay, ilaa Allaah uu ka soo Gaarsiiyay waxay Liibaaneen Liibaan weyn.
2) waxaad ilaalisay Sharaftaada, Allaahna markuu Waajibiyay Xijaabka, oo Allaah wuxuu yiri:- inay Xijaabka qaataan ayaa u Dhow in la Garto iney Dhawrsoon yihiin oo aan la Dhibin.
3) Qalbigaada ayaa Daahir noqonaaya, oo Nadiif noqonaaya.
4) Akhlaaqdaada ayaa Wanaagsanaaneysa, waayo Islaamku wuxuu ku Faray inaad Cawradaada Asturtid,oo aad qaadatid Akhlaaqda Fiican.
5) waxa Xijaabku uu calaamad u yahay, inay gabdhaasi dhawrsoontahay.
6) Shaydaanka ayaa kaa Fogaanaayo, oo Shaydaanku kuuma soo Dhowaanayo inta aad Xijaaban tahay, sababtoo ah; ilaalada Rabbi ayaad ku Sugan tahay.
7) Xishoodka ayuu ilaalinayaa, oo Gabadha Xijaabatan waa mid Xishootay.
😎 Ragga ayaad kaga Duwan tahay, Raguna wey kaa Xishoonayaan.
9) waxa uu kaa ilaalinayaa Zinada iyo Qaawanaanta.
10) Xijaabku waa Asturaad Ilaahay uu ku Galadaystay Dumarka Muslimaatka ah.
Haddaba, Gabadha Muslimadda ah, waxaa laga doonayaa iney Ilaahay ugu Shukriso Asturnaanta iyo Nimcada uu ku Manaystay iyo Dhowrsanaanta.
Wabillaahi Towfiiq.
W.Q:- Fanax fariid
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment