Abuu-Mansuur oo Muqdisho ka Tageya, Kuna wajahan Baydhabo [ Qorshihiisa ]

Bulsha:- Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay, Waxaana lagu  wadaa inuu gaadho maanta illaa berri, si uu ula kulmo maamulka koofur galbeed iyo qeybaha bulshada.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay in marka uu tago Baydhabo uu uga sii gudbi doono degmada Xudur ee Gobolka Bakool iyo deegaanka uu ka soo jeedo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa shalay kaga sii horeeyay magaalada Baydhabo, iyadoo maanta lagu wado inuu magaalada gaaro Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Wada hadalada u socday Mukhtaar Roobow iyo dowladda Federaalka ayaa wali wax heshiis ah laga gaarin, inkastoo warar horu dhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in is faham uu jiro oo ku saabsan sidii Maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Federaalka ugu taageeri lahaayeen dagaalka uu la galayo Al-Shabaab.
Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada iyo lacagihii madaxiisa dul-saarneyd, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay Wadaadka uu wajahayay culeysyo uga imaanayay Al-Shabaab oo markii dambe weerar ku soo qaaday deegaankii uu ku noolaa afartii sano ee u dambeysay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment