Bulsha:- Ciiddamada ammaanka Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gaari maalmihii ugu danbeeyay dilal qorsheysan iyo weerarro ka geystay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay qabteen Gaari noociisu yahay NOAH oo labadii maalmood ee ugu dambeysay masuuliyiin iyo dad shacab ahba ku rasaaseeyay Muqdisho iyo saddex qof oo watay.
Gaarigan ayay wararku sheegayaan in saddex ruux lala soo qabtay, oo uu ku jiro darawalkii waday iyo labo nin oo kale oo iyana fulin jirtay toogashada.
Taliyaha Booliska degmada Dharkeenley Col. Maxamed Dahir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen gaarigan oo lagu raad joogay sida uu sheegay. “
“Gaarigan oo ahaa nooca NOAH, muddo ayay ciidamada ku daba jireen, waana la baadigoobay, nasiib wanaag, maanta ayaa gacanta lagu soo dhigay, laamaha ammaanka ayaana baaritaan ku haya”ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkeenley.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment