Wiilkii Weeraraka ka Gaystay Dalka Belgium-ka oo Soomaali Noqday (VIDEO)

Bulsha:-  Wiilkii weeraraka ka gaystay dalka Belgium-ka ayaa la soo sheegayaa inuu yahay Soomaali Qaxootinimo ku soo galay dalka Belgium-ka.

Hadaba kooxda xagjiriinta ah ee Daacish ayaa maanta oo Axad ah sheegatay weerarkii wiilka Soomaaliga ah uu ka gaystay magaalada Brussels ee caasimada dalka Belguim-ka.



Wiilka Weerarkan geystay ayaa la sheegay inuu yahay nin Soomaali ah oo 30 sano jir, kaasi oo mindi ku weeraray ciidamo roondo ka waday bartamaha magaalada Brussels.

Booliiska ayaa toogtay ninkan isagoo ku dhawaaqaya (Allahu Akbar) wuxuuna habeenimadii Jimcaha u dhintay isla dhaawicii soo gaaray. waxaana la sheegay inuu sidoo kale sitay kitaab Quraan iyo bistoolad been ah, sida ay saraakiisha amniga sheegeen.


Ninkan ayaa la sheegay inuu qaxootinimo ku yimid dalka Belguim sanadkii 2004, wuxuuna in muddo ah sugayey in lasiiyo sharci degenaasho, wuxuuna sanadkii 2015 qaatay dhalashada dalkaasi.

Soomaaligan ayey Booliiska sheegeen inuusan horey ugu jirin dadka ay isha ku hayaan ee lala xariirinayo falalka argagaxisada, dadka yaqaanayna waxay sheegeen inuu ahaa qof caadi ah oo aan shido-badneyn sida ay sheegeen dadkii deriska la ahaa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment