Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhamaadka bisha October ay si rasmi ah ula wareegeyso maamulka hawada, iyadoo uu dhowaan la rakibay qalabkii loogu tala galay maamulka iyo la socodka Hawada Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Salaad oo ka qeyb galayay shirka Wasiirada Duulista Bariga Afrika oo ka dhacay dalka Masar ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen guulo la taaban karo.
Wasiirka oo la hadlayay wakaalada wararka ee SONN ayaa sheegay in bisha October ay si rasmi ah dowladda ula wareegi doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka 1991-dii waxaa maamulka hawada Soomaaliya gacanta ku haysay hay’adda ICOA, in kastoo la filayo in waqti dhow ay dowladda Soomaaliya lasoo wareegto maamulka guud ee hawada dalk
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment