Toilet – Ek Prem Katha Oo Gudiga Filimada Faaf Reebaan Shahaadada La Siiyay Iyo Muuqaal Hadii Laga Jaray

Bulsha:- Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet – Ek Prem Katha waxaa si rasmi ah loo hor geeyay gudiga filimada faaf reebaan oo filimkaan fariintiisa si wacan usoo dhaweeyeen.

Kooxda filimka Toilet – Ek Prem Katha waxaa lagu amray 8-hadal oo filimkaan ku jiraan inay ka jaraan kuwaas oo xoogaa loo arkay inag gaf yihiin ama xasarad kicin karaan.

Toilet – Ek Prem Katha waxaa la siiyay shahaadada loo yaqaan UA certificate oo ah shahaado dadka waa weyn daawan karaan sidoo kalena caruurta da’dooda ka hooseyso 12-sano marka ay tiyaatarka soo aadayaan oo ay filimkaan daawanayaan waa inuu la socdaa waalid ama qof masuul ka ah.

Toilet – Ek Prem Katha maalinta berito ah ayaa tiyaatarada la saari doonaa waana filim weyn oo hadal heyntiisa aad u sareyso kalsooni weyna lagu qabo inuu Boxoffice-ka wacdaro ka dhigi karo kana saari karo Bollywood-ka abaarta ku habsatay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment