Bulsha:- Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet – Ek Prem Katha waxaa si rasmi ah loo hor geeyay gudiga filimada faaf reebaan oo filimkaan fariintiisa si wacan usoo dhaweeyeen.
Kooxda filimka Toilet – Ek Prem Katha waxaa lagu amray 8-hadal oo filimkaan ku jiraan inay ka jaraan kuwaas oo xoogaa loo arkay inag gaf yihiin ama xasarad kicin karaan.
Toilet – Ek Prem Katha waxaa la siiyay shahaadada loo yaqaan UA certificate oo ah shahaado dadka waa weyn daawan karaan sidoo kalena caruurta da’dooda ka hooseyso 12-sano marka ay tiyaatarka soo aadayaan oo ay filimkaan daawanayaan waa inuu la socdaa waalid ama qof masuul ka ah.
Toilet – Ek Prem Katha maalinta berito ah ayaa tiyaatarada la saari doonaa waana filim weyn oo hadal heyntiisa aad u sareyso kalsooni weyna lagu qabo inuu Boxoffice-ka wacdaro ka dhigi karo kana saari karo Bollywood-ka abaarta ku habsatay.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment