Shabakada Boxoffice India Oo Soo Daabacday In Toilet Ek Prem Katha Iskoor Weyn Soo Kordhiyay!

Bulsha:- Waa wax aan looga baranin shabakada Boxoffice India in hal filim 24-saac gudaheeda inay labo maqaal kasoo qorto midaasna waxay dhici kartaa hadii filimka uu la imaado arin ganacsi dhanka Boxoffice-ka aan laga aamusi karin!

Boxoffice India inay maqaalada soo badiyaan waxaa ku qasbay Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha oo sameeyay arin aan horey loo arkin!

Hadaba maqaalka Boxoffice India kasoo daabacday filimka Toilet Ek Prem Katha asigoo turjuman hoos kaga bogo waxaana kuu fududeesay shabakada Filimside:

Toilet Ek Prem Katha wuxuu sameeyay taariikh isaga u gaar ah waligeedna ma dhicin filim maalinta kowaad 10 Crore ka badan keenay inuu maalintiisa labaad sare u kac waali ah sameeyo.

Maalintiisa labaad (Sabti) Toilet Ek Prem Katha wuxuu keenay 17 Crore waxa la yaabka dhaliyay ayaa ah inuu sare u kac 45% sameeyay maalintiisa labaad waana arin aan horey loo maqlin!

Waxaa jiraan filimo sare u kac xoogan sameeyeen maalintooda labaad kuwaas oo maalinta kowaad soo xareeyeen 4 Crore ama 5 Crore sidoo kalena 50% sare u kac sameeyeen maalinta labaad sida Neerja, Pink iyo kuwo kale laakiin maalinta kowaad lacag gaabis ah ayay ku bilaabeen marka sare u kaca waa wax la filaayay ayadoo tiyaataro xadidan laga daawaday.

Toilet Ek Prem Katha waxaa la saaray in ka badan 2000 tiyaatar malainta kowaadna 11.70 Crore ayuu keenay inuu sare u kac 45% sameeyo maalinta labaad waa wax aan caqliga gali karin!

Inta badan waxaa farxad guul loo arkaa filim maalintiisa kowaad 10 Crore ka badan keenay hadii maalintiisa labaad 20% sare u kac sameeyo laakiin Toilet Ek Prem Katha 45% sare u kac ayuu sameeyay maalintiisa labaad!
Filimka ugu soo dhow ee sida Toilet Ek Prem Katha Boxoffice-ka ka yaabsaday waa Tanu Weds Manu Returns kaasi oo 48% sare u kac sameeyay maalintiisa labaad laakiin filimkaan maalinta kowaad 10 Crore ka hoose ayuu keenay wuxuuna soo xareeyay 8.75 Crore.

Tanu Weds Manu Returns maalintiisii labaad wuxuu keenay 13 Crore halka maalintiisii sedexaad (Axad) uu sare u kacay 48.5%.

Laakiin Tanu Weds Manu Returns iyo Toilet Ek Prem Katha mala is bar bar dhigi karo madaama TEPK maalintiisa kowaad 10 Crore ka badan keenay halka TWMR maalintiisa kowaad 10 Crore ka yar ku furmay inkastoo sare u kaca waalida ka siman yihiin.

Waxaa muhiim ah inaan xasuusnaano lagama hadlaayo filim maalintiisa labaad ugu soo aaday maalin fasax ah xitaa filimkaas sheekadiisa xun tahay sare u kac xoogan ayuu sameyn karaa maalintiisa labaad madaama maalin fasax tahay.

Toilet Ek Prem Katha wuxuu sare u kac xoogan ka sameeyay goobaha saxda ah ee filimada xaqiijiyaan inay guulo waa weyn gaari karaan, xitaa Isniinta filimkaan ma dhibtoon doono ganacsi ahaan madaama uu min tuulo ilaa magaalo ka gadmaayo.

Sidaa darteed filimkaan wuxuu awood u leeyahay inuu hiigsado meel aan lagu fikirin inuu marka hore gaari karo!!!!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment