Sawirro: Xaaf oo wada qorsho Dekadda Hobyo loogu wareejinaayo Shirkad shisheeye

Bulsha:- Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa magaalada Muqdisho kula shiray wafdi ka socda dowlada Shiinaha kuwaa oo u socda qorsho ay kula wareegayaan Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa mas’uuliyiinta u sharaxay suuragalnimada maalgashiga Dekadda iyo inay ka dayactiraan dhammaan dhaawacyada ku yaala, iyadoo uu qorshuhu yahay in la hormariyo.

Xaaf ayaa madaxda Shirkada ee daneyneysa la wareegida Dekadda u sheegay in Galmudug ay aad ula dhacsan tahay in xiligaan la helo shirkad maalgashi ku sameysan karta Dekadda isla markaana ku sameysa dayactir.

Hogaamiyihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa horay madaxdaan uga diiday in maalgashi ay ku sameeyan Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Xaaf ayaa lagu wadaa inuu ka faa’iideysto fursada hortaal waxaana suuragal ah inay isku fahmaan heshiiska.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment