Qaabka Ugu Macaan Ee Galmada Xiliga Ciyaarta Sariirta

Bulsha:- Labada qof ee isqaba waxaa la gudboon inay si wanaagsan galmada isugu diyaariyaan. Waa inay qubaystaan, afka cadaysadaan, iscarfiyaan, isqurxiyaan, jawiga guud ee guriga iyo jirkoodana ka dhigaan kuwo ku dhiirrigeliya inay isdoontaan.

Haweeneydu waa inay gurigeeda si wanaagsan u nadiifisaa, u carfisaa, ugu shiddaa qamqam (Uunsi, Cuud, Foox, Qore-qudde, iwm), ku bilbishaa Catar kuna buufisaa Barafuun gaar ahaan nooca uu ninkeedu jecelyahay.

Waa inay qolka jiifka ku qurxisaa Daahyo, Dhiinsooleyaal iyo Foodareyaal indhuhu ku doogsadaan, dabeeto intay nalalka iftiinka badan ka damiso, udaartaa nal leh midab gaar ah (cagaar, jaalle, amaba guduud), kaasi oo sii kordhinaya quruxda iyo roomaansiyada qolka. Waa inay casho aad u macaan, rabitaanka furta, nafaqo badanna leh u diyaarisaa ninkeeda.

Suxuunta ay ku gurayso iyo miiska ay saaraysana nadaafadda iyo quruxdooda aad uga shaqaysaa.. Intay soo qubaysato, waa inay si wanaagsan isu udgisaa. Waa inaanay marnaba illaawin indhaha kuulan, bushimaha iyo wejiga cusburaysan, lugaha iyo gacmaha cillaaman iyo dharka khafiifka ah ee jirkeeda laga dhex arkayo midabka indhuhu ku nuursadaanna leh. Intuu odaygeedu casheynayo, waa inay soo agfariisataa.

Dhaqaaq kasta, dhugasho kasta iyo erey kasta oo afkeeda kasoo yeeraa waa inuu batrool kusii daraa dabka qalbigiisa ka aloosan. Waa inuu ku labalabeeyaa ma raashinkaad horta cuntaa mise iyada. Waxa uu markaa ninku billaabaa inuu afka, caloosha, indhaha, dhegaha, sanka iyo dalool kasta oo jirkiisa kamid ah ka shidaal qaato.

Ragga qaar baa jira aan ogayn inay dumarku sidooda oo kale dookh iyo dareen leeyihiin, iyaga oo doonaya naag qurux badan oo carfaysa, ha yeeshee aan iyagu waxba isku falin oo siday shaqada uga yimaadaan dhidid, shiir iyo af-ur kula duldhaca, sidaana galmo iyo raaxo uga doona. Ragga caynkaas ah waxaan xusuusinayaa xadiis Caa’ishah (RC) laga weriyey ooy ku tiri: (Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” kolkuu guriga soo galo wuxuu ka billaabi jiray cadayga).

Waxaan xusuusinayaa oo kale xadiiskii C/laahi bin Cabbaas (RC) oo ahaa: (Xaaskeyga waxaan isugu qurxiyaa sida aan aniguba jeclahay inay isugu kay qurxiso).

Haddaba ninku waa inu qubaystaa, cadaysadaa, iscarfiyaa, timaha jartaa oo shanlaystaa (feedhaa), ciddiyaha iska jaraa, shaarubka gaabiyaa, galmadana isugu diyaariyaa sida uu ka doonayo xaaskiisu inay isugu diyaariso.

2- EEGMADA

Eegmada oo ah tallaabada xigta isdiyaarinta, wuxu ninku xaaskiisa ka toogtaa meel fog, isaga oo jaraya xuduud kasta, kana dhex dusaya qalbigeeda. Eegmada naxariista leh ee ninku eegayo xaaskiisu, waxay toosisaa rabitaankeeda iyada oon is ogeyn. Haddii xaasku ay dareento inay ku faraxsan tahay sida ninkeedu ula dhacsan yahay, waxay isku daydaa siday ugu mahad celin lahayd ama ugu abaal gudi lahayd, taasi oo ah inay tusto inay weli u jeellan tahay diyaarna u tahay, iyada oo adeegsanaysa tabeheeda iyo xeeladeheeda u gaarka ah.

3- HADALKA
Hadalka naxariista leh iyo sheekada macaan ee ninka, waxa lagu tiriyaa inay yihiin sahanka ka horreeya weerar jinsiyeedka. Haweeney kastaa – xitaa kuwa muddada dheer la qabay – kolka ay maqasho hadallada shukaansiga iyo ammaanta isugu jira ee ninkeeda ka soo yeeraya, waa ay jiriricootaa oo godlataa, dabeetana gaartaa heer isdhiibis.

4- DHUNKASHADA

Dhunkashadu waxa weeye kicin ama baraarujin, iyada oo la isticmaalayo taabasho iyo ur. Kolkay dhunkashadu dhacayso, jirka haweeneydu waxa uu ku lismayaa jirka ninkeeda, kooda diirrimaad badan baana markaasi huwiya kan kale. Dhiigga ayaa dhaqaaqa, dareemayaalku firfircoonaadaan, jirka oo dhanna la saaqaa. Neefta labada ruux ayaa isku baxda, dareemaha urtuna billaabaa hawshiisii baraarujin iyo kicineed.

Dhunkashadu waxay kulmisaa saddex waxyaabood oo saldhig u ah kicinta iyo baraarujinta dareenka jinsiyeed, kalana ah:

Dhuuqmada:- Micneheedu waxa weeye in labada bushimood ee afka ninku ay ku lismaan kuwa xaaskiisa. Afku sida daloollada kale ee jirka, aad buu u dareen jinsiyeed badan yahay. Kolkay bushimuhu isku lismayaan, labada isqaba mid waliba waxa uu gaarkiis u dareemayaa macaan aan xad lahayn.

Urta:- Isku nabnaanta bushimaha ninka iyo kuwa naagtiisu waxay keentaa inay kulanto neeftoodu, mid walibana waxa uu markaasi uriyaa urta iyo neefta kan kale, arrintaasi oo door weyn ka cayaarta kicinta iyo baraarujinta dareemayaalka jinsiyeed. Udgoonka soo jiidashada lihi waxa uu xoojiyaa rabitaanka jinsiyeed, halka urta laga didaa ka keento qabow iyo rabitaan la’aan Dhadhanka:- Dhuuqmada uu labada qof midkood dhuuuqayo bushinta kan kale, waxay kordhisaa istiin qaadashada labada ruux.

Kolka ay haddaba isdhuuqayaan dhuuqmo aan hagari ku jirin, waxay kaga dhigan tahay iyaga oo ka tallaabsaday marxalad difaac tii ugu dambeysay, billaabayna kulan jireedkii dhabta ahaa.

Culimada jinsiga qaar baa aaminsan in haweeneyda nin u oggolaata inuu dhuuqo, aanay waxba la ahayn inay isu dhiibto. Waxa kale oo ay rumeysan yihiin in dhuuqmadu ay ka dhigan tahay hibadii ugu dambeysay ee ay dumarku ragga siiyaan, oo waxabay uga dhigan tahay iyaga oo u galmooday.

Waxaa laga yaabaa in hadalkaasi uusan mar kasta sax noqon karin, marka laga eego nin kasta iyo naag kasta, waxase uu sax noqon karaa kolka uu arrinku joogo labada isqaba!!!!.

Dhuuqmadu waxay leedahay noocyo badan;Dhuuqmo si aayar ah la isugu daliigo bushimaha, iyada oo la isku xantaxanteynayo. Labada qof midkood bushimihiisa ayaa bushimaha kan kale marna si xoog ah u daliigaya marna si aayar ah, fooddooduna waxay mar qabataa foodda kuwa kale marna sii deysaa.

Kolka qof bushimihiis kala qaadmaanba, qofka kale ayaa bushinta hoose uga nuuga sidii isaga oo malab dhuuqaya. Bushinta haweeneyda oo intay kululaato, barartaa, waxay ninkeeda ku dhalisaa inuu ilkihiisa si daldallayn yari ku jirto ugu salaaxo.Dhuuqmada intay bushimaha ninku kala kacaan, kor ka toobaan bushimaha xaaskiisa (afkeeda oo dhami soo dhexgalo afkiisa), oo uu dabeeto sidaasi si wada jir ah ugu dhuuqo.

Waxa iyana jirta dhuuqmo ah in intay bushimaha ninku si adag u wada toobaan kuwa xaaskiisa, uu dabeeto carrabkiisa bidix iyo midig si fudud ugu salaaxo bushimeheeda, uguna gudbiyo afka hoose, kolka uu gudaha geliyana intay isku qabsato afkeeda uu carrabkiisa gudaha ugu sii riixo, dabeetana intuu bushimihiisa isku daboolo, ilkihiisu ay bushimeheeda u qanqaniinaan si fudud oo xanuun macaani ku dheehan yahay.

Waxa kale oo laga yaabaa inay kulmaan labada carrab, isaga oo midba uu kan kale dhinaca ka curjinayo, amaba ruux waliba carrabkiisa kusii daayo gudaha afka kan kale, sidaasina ay labada carrab marna isu taabtaan marna u kala fogaadaan si istiin iyo kulayl aan la koobi karini ku jiraan.

Intaasi oo qura kuma kala duwana dhuuqmadu, balse waxa kale oo ay ku kala duwan tahay halka la dhuuqayo, ama la dhunkanayo. Ragga nin baa jira ku raaxaysta dhunkashada indhaha gacaladiisa, mid kale bushimihiisa ayuu si xantaxanta leh ugu salaaxaa dhegeheeda dacalladooda, dabeetana ugu soo hoobiyaa hoos iyo dhanka daanka, uguna gudbiyaa luqunta. Ragga waaya aragga ah qaarkood waxay yiraahdaan (dhunkashada luqunta hoosteeda ilaa dhanka bidixo waxay keentaa istiin aad u kulul).

Qaar kale waxay qireen in bushimaha oo si fudud loo hoos mariyo luqunta haweeneydu ay ku dhaliso galiilyo jirkeeda oo dhan dhaqaajisa, sidii iyada ooy koronto khafiif ahi qabatay, kicisana dareen jinsiyeedkeeda.
Intaa dabadeed bushimuhu waxay u hoobtaan xaggaa iyo shafka iyo naasaha oo kamid ah meelaha ugu dareenka badan jirka haweeneyda, gaar ahaan ibaha naasaha.Dhunkashada naasuhu waxay leedahay dhowr dariiqo: Bushimaha oo lagu xantaxanteeyo ibaha naasaha.

Bushimuhu intay kala qaadmaan bay marna ibta qabtaan marna sii daayaan.Bushimaha oo inta lagu cantuugo oo lagu qabto xayndaabka naaska, markaasi carrabka ibta lagu cayaarsiiyo.

– Afka oo si toos ah ibta loogu nuugo.

– Ibta oo loo qanqaniino si khafiif ah oo ay xaasku ku istiinto.

Calaacasha gacanta oo la dhunkadaa ma laha istiin sidaasi u sii ridan, ha yeeshee waxa uu sii kordhaa kolba marka dhudhunka iyo gacanta xaggeeda sare loo sii dhaqaaqo, gaar ahaan dhanka gudaha.

Sidoo kale dhunkashada xagasha lugtu waxay dhalisaa dareen sii kordha kolba marka loo sii socdo dhanka cajarrada ama bowdooyinka loona sii dhowaado xubnaha taranka, sababta oo ah hadba intay meeliba meel kaga sii dhowdahay xubnaha taranka maqaarkeedu waa uu ka sii jilicsan yahay, kana dareen kulul yahay ilaa laga gaaro xubnahaasi.

5- SALAAXISTA

Waxa loo baahan yahay ah in fanka cayaarsiinta aan loo adeegsan oo qura bushimaha, sababta oo ah sida bushimaha oo kale amaba kasii daran bay labada gacmoodna qayb lixaad uga qaataan fankaasi, iyaga oo weliba gaara goobo istiin aanay bushimuhu gaari karin.

Dareenka gacantu waxa uu ku badan yahay dhanka gudaha calaacasha (inta cad), waxase usii daran faraha oo dareenku ku sii kordho kolba marka loo sii dhaqaaqo dhinaca fooddooda.

Taataabashadu waxay inta badan istiin ku abuurtaa qofka taataabtaha ah, waxayse ku xiran tahay xaaladda nafsiyadeed ee labada ruux. Waxa laga yaabaa inay taataabashadu mararka qaar keento natiijooyin aan loo aayin, sida la-taataabtaha oo xanaaqa haddii uusan raalli ka ahayan waxa dhacaya.

Inkasta oo taataabashada ama salaaxistu ay jirka oo dhan raad ku wada reebto, haddana jirku isku si’ uma wada dareemo, waxana uu istiinku sii kordhaa kolba marka loo sii dhaadhaco dhinaca shafka ilaa laga gaaro labada naas. Waxaynu aragnaa in waqtiga isdhexgalka, dhabarka iyo barida oo la salaaxaa ay iyana istiin ba’an keenaan.

Goobaha istiin qaadashadu guud ahaan, waxay ku badan yihiin agagaaraha daloollada jirka, labada naasna waxa lagu tiriyaa inay kamid yihiin goobaha ugu istiinka badan jirka, waxaana uu gaaraa heerkiisa ugu sarreeya kolka la maraanmaro ibaha naasaha. Waxa jira dhowr hab oo loo maraanmaro ibaha naasaha loona kiciyo dareenkooda waxaana kamid ah:

– In calaacasha gacanta inteeda cad si fudud loogu cadaadiyo oo loogu salaaxo.

– In faraha fooddooda si fudud loogu qabto, oo marna loogu salaaxo, marna loogu maraanmaro, sidii iyaga oo la lisayo.

Intaasi marka ay dhacdo, waxa naaska ka soo buuxsama dhiig ku shubma xididdada oo dhan, dabeetana waa uu bararaa oo kululaadaa, ibtuna taagantaa, taasi oo si toos ah ishaaro u siisa xubinta taranka haweeneyda.

Salaaxista haweeneydu, kuma koobna oo qura labada naas, balse waxa loo baahan yahay in la salaaxo meelo kale oo jirka kamid ah sida; labadeeda warqood, gudaha bowdooyinka, gumaarka, faruuryaha cambarka, iwm.

Waxaan muran ku jirin in haweeneyda ninkeeda ay jeceshahay uu labada cajar dhexdooda kaga salaaxo mid kamid ah labadiisa gacmood, isaga oo isla markaasi tan kale kaga salaaxaya labadeeda naas, ay dareento istiin iyo raaxo labanlaab ah.

Kolka gacanta ninku ay soo maamusho naasaha iyo shafka xaaskiisa, waxay u degtaa dhinaca caloosha, iyada oo salaaxaysa rugta xuddunta, dabeetana u jiitamaysa dhanka cajarrada iyo gumaarka, halkaasi bayna in muddo ah ku noqnoqotaa. Intaas dabadeed, kolka ay haweeneydu si wanaagsan istiinka u qaadato, labadeeda bawdo ayaa iskood u kala kaca, faruuryaha waaweyn ee cambarkuna waa ay kala fogaadaan, qanjirradiisuna soo daayaan dheecaan qooya cambarka gudihiisa oo idi











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment