Bulsha:- SRK iyo Anushka Sharma waqti ay seexdaan ayaa aad u yar todobaadkaan iyo todobaadkii hore madaama ay socdaalo kala duwan gobolada Hindiya iyo daafaha caalamka ku aadayaan.
Sababtana waxay tahay inay xayeysiin balaaran u sameenayaan filimkooda la wada sugaayo Jab Harry Met Sejal oo la daawan doono Jimcadaan (4 August 2017).
SRK, Anushka Sharma iyo Director Imtiaz Ali ayaa booqdeen magaalada weyn Banaras waxayna si gaar ah kaga sii booqdeen Varanasi ayadoo ay halkaas taageerayaal aad u farabadan kusoo dhaweeyeen.
SRK barta Twitter-ka ayuu qoraalkaan soo dhigay “Harry, Sejal iyo Imtiaz waxay waqti wacan ku qaateen Varanasi, waad ku mahad santihiin isku soo bixiina sidoo kalena mahad sanid xil dhibaan Monaj Tiwari, Jab Harry Met Sejal Varanasi ayay joogaan!”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment