MUUQAAL: Beesha Murusade oo diyo 90-kun oo Dollar ka bixisay dilkii loo geystay Xoghayihii Maxkamada sare

Bulsha:- Ka dib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaal iyo Waxgaradka ayaa waxay heshiis ka gaareen dil magaalada Muqdisho loogu geystay Xoghayihii Maxkamada sare ee dalka Marxuum Mursal Aw-Cumar Cusmaan.

Odayaasha ayaa sheegay in labada reer kan wax dilay iyo midka la dilay ay ku heshiiyeen iney diyo kala qataan ka dib wada hadalo mudo u socday.

Xuseen Nuur Xeyle oo ah adeerka shaqsiga dilka geystay ayaa mag dhan sagaashan kun oo dollar (90,000) ku wareejiyay Saciid Aw-Cumar Cusmaan oo ah Walaalka Marxuumka la dilay.


Aabaha Marxuumka la dilay Aw-Cumar Cusmaan oo ku sugan magaalada Burco ayaa u soo wakiishay Wiilkiisa Saciid Aw-cumar Cusmaan inuu soo qaado Magta la kala qaadanayo.
Shaqsiga dilka geystay oo lagu magacaabo Faarax Cali Nuur Xeyle ayaa darawal u ahaa Taliyihii hore ee Nabad sugida Generaal Gaafow,kaasi oo hadda ku jira gacanta Dowladda.

Heshiiska ay wada gaareen Odayaashan ayaa ka dhacay xarunta Maxkamada Gobolka gaar ahaan Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment