Lamanaha Isjecel Ajey Devgan Iyo Kajol Devgan Oo Mudo 7 Sano Kadib Shaashada Markale Kumidoowi Doonaan!!

Bulsha:-  Super Star Ajey Devgan iyo Xaaskisa Kajol Devgan taaso ayadana fanka awood balaaran kulaheed 25 sano ee lasoo dhaafay ayaa markale shaashada kuwada midoowi doonaan.

Ajey iyo Kajol waxay wada sameyeen aflaam guulo lixaad leh gaareyn iyo kuwa ka guuldaresteenba waxayna isugu jiraan filimada kala ah Gundaraaj (1995), Hulchul (1995),  Ishq (1997), Pyaar To Hona Hi Tha (1998), Dil Kya Kare (1999), Raju Chacha (2000), U Me Aur Hum (2008) Toonpurka Superhero (2010).

hadaba markaan ayee rabaan 7 sano kadib inee filim wadasamyeen maadama filimkooda ugu dambeyay ee ay iska soo muuqdeen laga joogo mudo 7 sano ah.

Ajey oo arinkaa cadeynaya wuxuu wargeyska maalinlaha ah ushegay sida tan,” Haa waa run aniga iyo Kajol ayaa filim wada sameyneeno waliba filimkaas waxaa Director ka ah Pradeep Sarkar inkastoo markii hore Raj Sarthi dhankiisa waxba ka hagaagi wayen balse markaan waan wada sameyneena aniga iyo Kajol.”

waa arin aad oga farxisay taagerayasha lamanahan maadama hadalkaas Ajey yiri, dhanka kale Kajol waxay amaan lixaad leh kuheshay filimkeedi udambeyay ee koonfurta ahaa kaaso ahaa VIP 2 walibana uu la hogaaminayey Dhanush.
Ajey dhankiisa waxaa  1 Sept ee sanadkaan 2017 tiyaatarada loosaari doona filimkiisa Baadshaho kaaso ay lahogaamiyaan Emraan Hashmi, Ilean D’Cruz, Vidyut Jammwal, iyo waliba Esha Gupta.

sido kale filimkiisa kale ee Golmaal Again asna wuu soo gabagabeyay duubistiisa wuxuuna qorshaha yahay in la daawado Oct 19keeda ee isla sanadkaan 2017.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment