DHAGAYSO: Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday wakhtiga ay sida rasmiga ah ula wareegayso Maamulka Hawadda

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhamaadka bisha October ay si rasmi ah ula wareegeyso maamulka hawada, iyadoo uu dhowaan la rakibay qalabkii loogu tala galay maamulka iyo la socodka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Salaad oo ka qeyb galayay shirka Wasiirada Duulista Bariga Afrika oo ka dhacay dalka Masar ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen guulo la taaban karo.

Wasiirka oo la hadlayay wakaalada wararka ee SONN ayaa sheegay in bisha October ay si rasmi ah dowladda ula wareegi doono Maamulka Hawada Soomaaliya.


“Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horreysay laga maamuli doono magaalada Muqdisho,  Duulista hawada marka horeba, iyadoo aan aad u dhisneyn ayaa hadana dowladdii bur burtay, marka hadda waxaan u baahannahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeyb qaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabato arrintaasi, balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”ayuu yiri Wasiirka.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka 1991-dii waxaa maamulka hawada Soomaaliya gacanta ku haysay hay’adda ICOA, in kastoo la filayo in waqti dhow ay dowladda Soomaaliya lasoo wareegto maamulka guud ee hawada dalk










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment