Day 6 Morning Update: Filimka TEPK Maanta Shalay Ayuu Ka Wanaagsan Bilaabashadiisa

Bulsha:-  Filimka Toilet Ek Prem Katha ayaa subaxaan ku furmay si ka wanaagsan maalintii shalay ahayd taasi oo xaqiijin doonto markale inuu ganacsi adag sameyn doono.

TEPK wuxuu subaxaan ku furmay 18% ilaa 20% halka maalintii shalay ahayd uu ku furmay 15% ilaa 20% subaxdii hore marka laga cabir qaato sida uu ku furmay TEPK maalintiisa 7-aad ganacsi adag ayuu sameyn doonaa.

Maanta fasaxyo yar yar ayaa gudaha Hindiya ka jiraan sidaa darteed dad kala duwan ayaa tiyaatarada soo aadi doonaan waana arin u wanaagsan filimka TEPK ganacsiga uu sameenayo.

TEPK wuxuu noqday filimka loogu jecel yahay sanadkaan 2017 marka Baahubali 2 meel la iska dhigo madaama qaabka uu ku socdo ay noqotay mid ganacsigiisa joogteen ku muuqato.

TEPK waa hubaal in 100 Crore uu gaari doono maalintiisa 8-aad ee Jimcada ah wuxuuna ku socdaa hubaal ahaan filimkaan 150 Crore ilaa 170 Crore inta u dhaxeyso inuu ku istaagi doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment