Sacuudiga oo mugdi galiyay Heshiiska dhexmaray Mareykanka iyo Qadar

Bulsha:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, ayaa shaki galiyay Heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Mareykanka iyo Qadar.

Al-Juber oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in Qadar aysan u diyaarsaneyn inay fuliso Heshiiska ay wada saxiixdeen Xoghaya arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson.

Waxa uu tilmaamay in Heshiiska la dagaalanka Maalgalinta Argagixisada uu yahay mid ay Qadar ku dabooleyso xiisada kala dhexeysa Khaliijka.

Al-Juber, waxa uu tilmaamay in dowlada Qadar ay si dhaba u maldaheyso xiisada kala dhexeysa Xulafada Sacuudiga,waxa uuna ku baaqay in la hubiyo daacadnimada saxiixa Qadar ee Heshiiska.

”Wey adkaan doontaa inaan si degdega ku aamino Heshiiska la dagaalanka maalgalinta Argagixisada oo Qadar ay la gashay Mareykanka”

”Waa suuragal in qorshaha Qadar uu yahay mid lagu soo dadajinaayo qaboojinta xiisada jirta, Heshiiskuna kama turjumi doono xaqiiqda jirta”

Sidoo kale, Al-Juber waxa uu Xoghaya arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson ugu baaqay inuu adkeeyo mas’uuliyada Heshiiska, waxa uuna carab dhabay in Sacuudiga uusan aamini doonin Heshiiska dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Mareykanka ayaa ballanqaaday hirgalinta Heshiiska ay la galeen dowlada Qadar, kaa oo ku saleysan la dagaalanka maalgalinta Argagixisada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment