Bulsha:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, ayaa shaki galiyay Heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Mareykanka iyo Qadar.
Al-Juber oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in Qadar aysan u diyaarsaneyn inay fuliso Heshiiska ay wada saxiixdeen Xoghaya arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson.
Waxa uu tilmaamay in Heshiiska la dagaalanka Maalgalinta Argagixisada uu yahay mid ay Qadar ku dabooleyso xiisada kala dhexeysa Khaliijka.
Al-Juber, waxa uu tilmaamay in dowlada Qadar ay si dhaba u maldaheyso xiisada kala dhexeysa Xulafada Sacuudiga,waxa uuna ku baaqay in la hubiyo daacadnimada saxiixa Qadar ee Heshiiska.
”Wey adkaan doontaa inaan si degdega ku aamino Heshiiska la dagaalanka maalgalinta Argagixisada oo Qadar ay la gashay Mareykanka”
”Waa suuragal in qorshaha Qadar uu yahay mid lagu soo dadajinaayo qaboojinta xiisada jirta, Heshiiskuna kama turjumi doono xaqiiqda jirta”
Sidoo kale, Al-Juber waxa uu Xoghaya arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson ugu baaqay inuu adkeeyo mas’uuliyada Heshiiska, waxa uuna carab dhabay in Sacuudiga uusan aamini doonin Heshiiska dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Mareykanka ayaa ballanqaaday hirgalinta Heshiiska ay la galeen dowlada Qadar, kaa oo ku saleysan la dagaalanka maalgalinta Argagixisada.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment