RW. Kheyre oo Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubeir.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay, albaabadana ay u xirnaayeen ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Xulafada Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar iyo go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa booqasho ku maraya wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah, si uu taageero ugu raadiyo go’doominta la saarayo Qatar.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii hore ka qaatay khilaafka wadamada Khaliijka mowqif dhex dhexaad ah, hase ahaatee dowladda Sacuudiga ayaa ka carootay, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay joojiyay taageero dhaqaale oo ay siin laheyd Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa wali ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa, si Sacuudiga u bilaabo mashaariic uu horay ugu balan qaaday Soomaaliya.

Wafdi Wasiiro ahaa oo bishii hore tagay Sacuudiga, si ay Wasiirada dhiggooda ah ula soo saxiixdaan mashaariicda horumarineed ee Sacuudiga u balan qaaday Soomaaliya ayaa waji gabax kala soo kulmay, dibna dalka ugu soo laabtay, iyagoo fara maran.

Ilo Diblomaasiyadeed oo ku dhow dhow Madaxda Soomaaliya ay markii hore ku kala aragti duwanaayeen mowqifka laga qaadanayo xiisada, waxaana xubno ka tirsan dowladda ay qabeen, iyagoo la eegayo danaha Soomaaliya ee Sacuudiga in ugu yaraan hoos loo dhigo xiriirka Qatar, balse taas uu ka hor-yimid Madaxweyne Farmaajo oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin oo kol dhow laga dhigay Agaasimaha Madaxtooyada, kaasoo xiriir wanaagsan la leh Qatar.
Sacuudiga, Imaaraadka Carbta, Baxreyn iyo Masar ayaa bishii hore xiriirka diblomaasiyadeed u jraya Qatar, iyagoo saaray xayiraad ganacsi, kana xirtay xuduudahooda badda, berriga iyo hawada, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageero dhaqaale siiso Argagixisada











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment