MUUQAAL: Gabadh u Dhalatey Dalka Holland oo si la yaab leh usoo Qabatay Wiil Soomaali ah oo kufsaday

Bulsha:- Gabar u Dhalatey dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay si xirfadeysan oo cajiib ah ay u soo qabatey oo ayna gacanta ugu soo dhigtay wiil Soomaali ah oo Qaxooti ah oo Faraxumeyn, Jirdil iyo dhac u geystey iyadoona ay gabadhaas ay Wiilkaas Soomaaliga ah ay Booliiska dalkaas ay u gacan galisay.


Gabadhaan oo aan Magaceeda la shaacin oo 28 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Maxamed M. oo asagana 28 sano jir ah inay ku kulmeen goobaha lagu caweeyo habeenkii iyadoona ay gabadhaas soo raacday Wiilkaas si ay gurigeeda u aado laakiin Wiilkaas Soomaaligaas ayaa damcay inuu gabadhaas uu u ka xaysto Gurigiisa laakiin gabadhaas ayaa arintaas diiday taas oo keentay inuu wiilkaas Soomaaliga ah uu gabadhaas u Jiito goob duur ama Jiq ah ka dibna uu halkaas uu ku kufsaday islamarkaana uu jirdil xun u geystay sidoo kale ayuu waxaa uu ka xoogay ama uu ka dhacay telefoonkeeda iPhone ah oo ay wadatey gabadhaas asagoona goobtaas ka baxsaday wiilkaas.



QAABKII AY GABADHAAS U SOO QABATEY WIILKA SOOMAALIGA AH EE KUFSADAY

Falkaas Foosha Xun ka dib ee uu Wiilkaas Soomaaliga ah u geystay gabadhaas Hollandeeska ayaa gabadhaas waxay Bilowday Baaritaan ku saabsan Teleefoonkeeda oo ugu Diiwaan gashnaa habka loo yaqaan FIND MY iPHONE kaas oo kuu sheegaayo halka ama goobta lagu haysto Teleefoonkaaga lagaa xaday ama kaa dhumay iyadoona markiiba heshay halka uu ku sugan yahay Wiilkaas Soomaaliga ah ee dhibaatadaas u geystay intaas ka dib ayey gabadhaas ay Booliiska ku wargalisay arinkaas laakiin booliiska ayaa wax xil ah iska saarin baadi goobka Wiilkaas maadaama ay ku sheegeen inay adag tahay si loo daba galo Telefoonkaas , Laakiin gabadhaas ayaa Baaritaankeedii sii waday iyadoona sidoo kale ogaatey in Wiilkaas uu Istcimaalaayo Accountigeeda ay ku la hayd barta Shukaansiga ee lagu magacaabo Badoo asaga oo iska dhigaayo Gabar Lesbiyaan ah oo raadineyso inay la bashaalto gabdhaha kale.

Hadaba Gabadhaas Geesiyada ah ayaa arintaas markii ay ogaatey waxay sameysatey Account Cusub oo Bug ama Been ah ayadoona bilowday inay kula xirirrto Wiilkaas Soomaaliga ah ee Teleefoonkeeda iyo Accuontigeeda Isticmaalaayey, Wiilkaan Soomaaliga ayaa Mudo ka dib waxaa uu ku soo dhacay dabinkii ay la raadineysay gabadhaas asagoona ka aqbalay inuu u soo diro magaciisa, Cinwaalkiisa iyo waliba Sawirkiisa oo uu asaga iska qaaday ama Selfie loo yaqaan arintaas oo keentay inay gabadhaas ay aqoonsato wiilkaas Soomaaliga ah iyo waliba Telefoonkeedii oo uu Selfiga u isticmaalay intaas ka dib ayey gabadhaas waxay macluumaadkaas ay ku wareejisay Booliiska oo ayagana ugu dhacay wiilkaas gurigiisa islamarkaana Xabsiga Dhigay.

MAXKAMADEYTA WIILKA SOOMAALIGA
Wiilkaan Soomaaliga ah oo Dhawaantaan Maxkamada la hor keenay ayaa gebi ahaanba Qirtey Dhamaan waxyaabihii lagu soo eedeey oo ahaa Faraxumeyn, Jirdil iyo Tuuganimo asagoona arintaas ku sababeeyey inuu ahaa qof Sarqaansan oo Qamri iyo Daroogo isticmaalay, Wiilkaas ayaa gabadhaas oo Maxkamada ku Sugneyd waxaa uu ka raali galiyey arintaas asagoona ka codsaday Cafis, Laakiin gabadhaas ayaa goobtaas ka sheegtay in wixii ka dambeeyey Falkaas ay nolosheedu is badashay islamarkaana ay ku soo noqon doonin waligeed sidii ay ahayd ayadoona intaas raacisay in Wiilkaas Soomaaliga ah uu nolosheedii Jir ahaan iyo Masxkax ahaan uu baabi’iyey islamarkaana uu sharafteedii qof ahaan uu meel ugu dhacay maadaama uu magaceedii iyo Teleefoonkeedii ay shaqeysatey uu si Qaldan u isticmaalay, Maxkamada ayaa ugu Dambeyntiina waxay Wiilkaas ku Xukuntey Xabsi gaaraayo ilaa iyo Sanad iyo Bar iyo inuu siiyo gabadhaas magdhow lacageed oo gaaraayo ilaa iyo 4100 euro ayadoo sidoo kalena ay maxkamdu amartey in si Qasab ah loogu dhaqan celiyo Wiilkaas Soomaaliga Qamriga iyo Daroogada uu sida Qaldan u isticmaalaayo islamarkaana uu isticmaali karin wax Qamri iyo Daroogo ah mudo 2 sanadood ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment