Nuxurka khudbadii Amiirka Qadar

Bulsha:- tamiimAmiirka Qadar Tamiim Bin Hamada al-Thani ayaa shalay khudbadiisi ugu horeysay ka jeediyay telefishinka tan iyo markii Qadar go’doominta lagu soo rogay.Nuxurka qodobada khudbada amiirka waxaa kamid ah

  • In Qadar diyaar utahay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka taagan balse wadahadaladaas ay noqdaan kuwa ixtiraamaya madax banaanida iyo qaranimada dalka Qadar
  • In shacaba dalka Qadar ay muujiyeen adkeysi iyo midnimo loona baahan yahay inay sii wadaan
  • Dhamaan ajaanibta ku nool Qadar waxay afhayeen unoqdeen dalka Qadar
  • Waxaa la isku dayay dacaayado iyo kicin si Qadar isu dhiibto balse dadka Qadar ma aysan noqonin kuwa qaata dacaayadahaas iyo kicintaas
  • Dalalka Carabta iyo kuwa aan carabta ahayn ee ixtiraama aragtida shacabkooda waxay taageero umuujiyeen Qadar ama ugu yaraan ma aysan taageerin kuwa na go’doomiyay
  • Qadar cidina ku qasbimayso aragtideeda
  • Tan iyo caruurnimadaanadii waxaan ogayn in beenta iyo xantu yihiin laba shay oo xun
  • Qadar way la dagaalantaa argagixisada caalamkuna wuu ogyahay
  • Kala aragti duwanaanshaha waxaa lagu xaliyaa wadahadal ee ma aha in arintaas ay dhibaato ukeento shucuubteena
  • Qadar waxay ufuran tahay maalgashi
  • Qadar waa la imtixaamay wayna ku baastay imtixaankii
  • Qadar waxay garab taagantahay  shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa kunool Al-Qudus waxayna cambaareynaysaa xidhitaanka Masjidul Aqsa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment