Kareena Kapoor “Dhamaan Atirishooyinka Oo Dhan Waxay U Dhimanayaan Inay Salman Khan Filim La Sameeyaan”

Bulsha:- Kareena Kapoor “Dhamaan Atirishooyinka Oo Dhan Waxay U Dhimanayaan Inay Salman Khan Filim La Sameeyaan”

Kareena Kapoor Khan ayaa ka hadashay arimo badan oo nolosheeda fanka gaar u ah iyo inay marwalbo la shaqeyso qaar ka mid ah atoorayaasha ugu caansan Bollywood-ka.

Bebo ayaa ka hadashay dhawaan filimkii Bajrangi Bhaijaan oo ay Salman Khan la jishay waxayna tiri “aadban ugu faraxsanahay in BB uu noqdo filim All Time Blockbuster ah sidoo kalena uu noqdo filimka ugu hadal heynta badan sanadkan weliba aniga horey ayaa u sheegay in BB uu noqon doono filimka ugu weyn ee uu Salman ebid sameeyay”

Kareena waxaa lagu dhaliilay in Bajrangi Bhaijaan aysan door adag ku laheyn waxayna kaga jawaabtay “BB iyo Singham labuduba aniga ayaa doortay waana ka helay doorarkii aan ka qaatay, aniga ma ihi qof fanka ku cusub oo magac raadis ah sidaa darteed aflaanta qaar doorarka aan ka qaato walaac iguma hayaan marwalabana shaqdeyda ayan ku faraxsanahay”

Kareena ayaa la weydiiyay sida ay Salman isugu dhow yihiin waxayna tiri “Salman 10-sano ka hor ayaan bilaabay la shaqeyntiisa laakiin intaan fanka kusoo biirin ayaan aqoon u lahaa”

“Salman maanta waa atooraha ugu awooda badan Bollywood-ka sidoo kalena atirisho walbo waxayn u dhimaneysaa ama xiiso u qabtaa inay Salman filim la jisho!”

“Weliba atirishooyinka qaar ee uusan Salman rabin inuu la shaqeeyo xitaa waxay rabaan inay filimkiisa kasoo muuqdaan!”

Tolow yaa ka mid ah gabdhaha uusan rabin inuu Salman Khan xiligaan filim la sameeyo…………………………











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment